Munaasabad lagu sagootiyey gudoomiyaha BSC London

download

SCW, walaal waxaanu idinka codsanaynaa oo si qadarin iyo xushmadi ku dheehantahay in aad noo soo galisaan maqaalkan iyo sawirkan Mahadsanid.

 
27/07/2013, London, Axadii ina soo dhaaftay oo ay  taariikhdu aheyd 21/07/2013 waxaa munaasabad si heer sare ah loo agaasimay ka dhacday galbeedka London, taas oo ay ujeedadu ahayd sagootin loo sameeyey Gudoomiyaha British Somaliland Council, ahna xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka galbeedka London Xildhiban Cabdifataax Nuur Bitiig, oo socdaal mudo dhawr wiig ah ku tagay wadankii hooyo ee Soamliland.


Ujeejadada  uu xildhibaanku ku tagay Somaliland oo ah hawlo aad u muhiim oo uu la kulmayo Masuuliyiin ka tirsan madaxda dawlada iyo isagoo tababar u soo furaya golaha deegaanada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland si ay uula jaan qaadaan habka casriga ah ee ay shaqeeyaan golaha deegaanada caalamka hore u maray, taas oo kor u qaadi doonta adeegyada bulshada iyo mida dawladnimo ee looga baahan yahay in golaha deegaanadu uugu shaqeeyaan dadkooda.
 
Munaasabada sagootiga oo ay u sameeyeen dhamaan ururada ku bahoobay dallada  Brtish somaliland council ( BSC ) oo ay hadalo aad u qiimo badan ka soo jeediyeen xubno tiro badan oo runtii ka hadlay wax qabadka dalladu in aanu ku koobnayn wadankan UK, balse hadda wixii ka dambeeya ay awoodooda u badin doonaan ina y si midaysan  guud ahaan wax anfaca wadankeena Somaliland ay u qaban doonaan inkastoo ay ururada qaar ka tirsani ay hore Mashaariic wax ku ool ah ay uuga fuliyeen.
 
Guntii iyo gebagebadii waxaa hadalka qaaday Gudoomiye Xildhibaan Cabdifataax oo runtii aad uugu mahadnaqay gudida iyo xubnaha dallada ee ka soo shaqeeyey sagootigiisa, runtiina aad uugu amaanay BSC shaqada ay wdaan in sii libinlaabaan iyagoo mar walba niyada ku haya sidii ay wadankeena horumarkiisa uuga shaqeyn lahaayeen dhinac walba.
 
Wa bilaahi tawfiiq. 
 
AA Cali xiis
Madaxa warbaahinta iyo xidhidhka BSC London, Uk