Munaasibad Lagudaah Furayay Telifishanka Cusub Ee La Magacbaxay Star Tv +Daawo Sawiro

 

image

Waxa maalintii Axada oo ku begnayd 30.6.13 lagu daah-furay magaaladda London TV cusub oo casri ah magaaladda London,Xaflada daah-furka waxa kasoo qaybgalay dad aad u fara badan oo ka yimid London iyo debadaha dalkaba,Waxa TV uu yahay TV casri ah oo la jaan qaadi doona jiilka maanta iyo xasuusin dhaqanka Somalida,waxa kale oo TV ka hawl gala dhalinyaro aqoonyahaniin ah oo idinka haqab tiri doona baahida xaga wararka,Waxbarashada,wacyi galinta dhalinyarada iyo hawlo farabadan.

star tv11

 

Waxa isna sharaxaad kooban ku furay Madaxa TV ga Star TV Maxamed Aadan Maxamed Ina koodhaadhi oo sheegay in Star TV uu ku bixi doono Luuqadaha Afka Ingiriiska iyo Soomaliga kuna dheeraaday in xoogga la saari doon Soomaalida qurbaha Gaar ahaan Dhallinyarada.

star tv1

 

 

Waxa kale oo kahadlay goobta dad faro badanoo masuuliyiina oo katirsan dawlada Uk oo ay ka mid yahay Horn. Barry oo ah mudane Baarlamaka Uk kujira xaafda Brnt North iyo Taliyo Booliska Waaxaha galbeedka London Makhadoom Chisty iyo waliba Dr Omar El-Hamdoonoo ah Madaxa Ururka Isku Xidhka Islaamka ee Uk iyaga oo dhamaantood aad u adkeeyay in ay ka rajaynayaan

Tvga cusubi wax tar wayan u yeesho bulshada balaadhan ee Soomaaliyeed ee ku nool Uk iyo dabadaha