Muuse Iyo Faysal: Weedho Siyaasadeed Oo Kaftan U Muuqday Iyo Warmaha Ku Lamaanaa

 

image

July 18,2013 Hargaysa(SM) Guddoomiyayaasha xisbiga UCID iyo Kulmiye, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa madashii shalay lagu saxeexay heshiiskii diwaangalinta doorashada ka soo jeediyay hadallo ay isugu door xuleen.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo had iyo goor dhaliila xukuumadda ka soo jeedka xisbiga Kulmiye, ayaa shalay soo jeediyay inaan xukuumaddu xeelad ka dayin diwaangalinta cod-bixiyaasha ee doorashooyinka soo socdaa ku xidhan yihiin, isla-markaana xukuumaddu awood u leedahay inay kaligeed qabato, balse aan loo baahnayn in dee-bixiyayaasha loo debranaado, haseyeeshee Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna markaa ka dib madasha ka hadlay ayaa isaga oo toos Faysal ula hadlaya sheegay inaan xukuumaddu ka baqayn qabashada

doorashooyinka soo socda. Guddoomiyaha UCID oo ka hadlaya oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Labada arimoodba waxay waajib ku yihiin oo ay dusha ka saaran yihiin dawladda, dusha kama saarna bulshada caalamka ee dawladda waxa khasab ku ah inay labadaa arimood (Labada diwaangalinood) ka soo baxdo, waxyaabaha loo igmaday ayayna ka mid tahay, markaa waa in la kala ogaado dhaqaalaha dibada ka imanaya iyo waajibaadka ina saaran” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu soo qaaday “Dawladdan iyo kuwii hore way kala nasiib badan yihiin oo dalku dhaqaale ayuu leeyahay, dhaqaalaha ina soo galena waynu ku samaysan karnaa diwaangalinta cod-bixiyayaasha, in loo xayirnaado baahi, waxaan u arkayaa inaan dawladda niyad ka ahayn, haddii ay xeeladi ku jirtana idinka socon mayso, xeelad iyo dan gaar ahna yaan laga dhex daydayin, doorashada wadada loo marayaana waa wado dheer, diwaangalinta yaa wadaya way iman doontaa iyo in la soo dhigo cid dhex ah oo lagu wada kalsoon yahay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “In wixii la wada leeyahay ciddi la oroddo waa laga soo gudbay, danta qarankana waa la wada leeyahay, dalkana isku tanaasul iyo is dhageysi ayuu ku soo caano maalay” Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo isugu hadalka kaga dambeeyay ayaa yidhi isaga oo hadalka Faysal deba socda “Doorashooyinka in wakhtigooda la qabtaa waa sharci waanuna ogolahay Faysalow, haddii ILAAHAY yidhaahdana wakhtigooda waa la qaban, wixii xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ku aadana waala dhamayn, midbaase jirta dhaqaalaheena iyo dhaqaalaha hawshani u baahan tahay way kala weyn yihiin, kulmiye iyo xukuumaddan maaha kuwo ka baqanaya doorashada.” Guddoomiyaha Kulmiye oo Faysal Cali Waraabe si toos ah ula hadlaya ayaa yidhi “Faysal waxaan leeyahay baryahan waxa jirta duufaan aad bilowday, adigu waxaad tahay xisbi Mucaarad ah xaqbaanad u leedahay wixii dhaliil ah iyo wixii talo ah, laakiin in wax kale aynu isku qarqarino inoo dan maaha, waxaanan leeyahay si odeynimo aynu waxeena u dhamaysano, in la doodo iyo in farta la isku fiiqaba waanu ogolahay, laakiin nin walba gartiisa ha qaato”

 

Salaanmedia/Hargaysa