Nelson Mandela Oo Sanad Guuradiisa 95-aad Ugu Dhex Debaal-dagaya Cisbitaalka

(SM- Pretoria) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa maanta 95 sano jirsaday.

Waxaa uu bishii labaad weli ku jiraa cisbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa sheegay in caafimaadka Nelson Mandela uu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayo.

Mandela ayaa weli xaalad adag ugu jira cisbitaal iyadoo laga daweynayo caabuq dhanka sanbabada.

Maanta oo ah maalintii uu dhashay Mandela ayay Qaramada midoobay u aqoonsatay in lagu qaddariyo gacanta uu ka geystay dib u heshiisiinta.

Nelson Mandela ayaa hogaaminayay dadaalkii lagaga hor tagayey nidaamkii midib kala sooca ee dalka Koonfur Afrika, waxaana uu ku jiray xabsiga muddo 27 sano ah.

Xabsiga ayuu ka soo baxay Mandela, waxaana uu dalkaas ka noqday Madaxweynihii ugu horreyay ee madow ah, waxaana uu dalka u horseeday dib u heshiisiin dhex martay dadka kala midibka ah.

Salaanmedia/Hargaysa/Office.