Nuxurka Heshiis Wasiirka Arrimaha Guduhu la Saxeexday Danjiraha Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland/Somalia Oo Socdaalkiisii U Horreyey Ku Yimi Dalka

July 11, 2013 Hargeysa(SM)- Wasiir Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Nail Wigan oo booqashadisii ugu horaysay ku yimi Magaalada Hargeysa, ka dib markii dhowaan dawladdiisu u magacowday Safiirka Cusub ee Ingiriisku u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland.

Kulanka Dhexmaray Wasiirka iyo Danjiraha oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan warbaahinta loo ogolayn, ayaa labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis dawladdda Ingiriisku Somaliland ka caawinayso tabobarrada Ciidamada Booliska.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade oo markii kulankaasi dhammaaday ka dib warbaahinta u faahfaahiyey ujeeddada heshiiska uu la saxeexday danjiraha Dawlada Biritan, waxa uu sheegay inay ka wada-hadlayeen horumarinta tabobarrada Ciidamada Booliska ee dhinacyada ilaalinta xaquuqal-iinsaanka. “Waxaanu ka wada-hadlaynay sidii ay noola horumarin lahayeen Booliska Somaliland, isla markaana ay siin lahayeen daruus ay ka mid tahay dhawrista xaquuqul iisaanka iyo sidii la is-kugu soo dhawayn lahaa Bulshada Reer Somaliland iyo Booliska,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade, waxaanu hadalkiisa sii raaciyey. “Boolisku Inay horumariyaan nabad-galyada shacabka iyo dalkaba sidii ay u ilaalin lahayeen ama u Ixtiramaan ayaanu ka wada-hadalnay, markaa waxaanu kala saxeexanay heshiiskaas horumarinta Booliska oo anaga iyo Dawlada Ingiriiskuba ka wada-shaqaynayno.”

Dawladda Ingiriiska, ayaa Somaliland ka taageerta tabobarrada iyo agabyada ay ku hawl-galaan Ciidamada kala duwan, sida gaadiidka, dhismeyaasha, qalab kala duwan iyo tabobarro kala duwan oo siiyaan ciidamada amniga ee dalka.

Salaanmedia/ Hargeysa Office