QARAMADA MIDOOBAY OO SOO BANDHIGTAY DAD LAGU EEDEEYAY IN AY AMAAN DARO KA WADAAN MUQDISHO(AQRISO MAGACYADA )

Warbixin ay soo saareen guddiga dabagalka Cuna qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa ay

 

UnitedNations1

 

Moqadisho (SM)17.07.2013 Warbixin ay soo saareen guddiga dabagalka Cuna qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa ay ku sheegeen in dawlada Eritrea ay taageero siiso kooxo ay ku tilmaantay inay sabab u yihiin amaan darrada ka jirta dalka Soomaaliya oo dagaal oogayaal ah.

 

Warbixintaan oo lagu qoray wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa lagu sheegay in kooxo ay ku tilmaantay inay dagaal oogayaal yihiin kuwaasooo ka dambeeya amaan darida wadanka ka dhacda gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaana ay guddigu sheegeen inay taageero ka helaan dawlada Eritrea.

 

Shaqsiyaad ay guddigaan magacabeen waxaa ku jira ninka la yiraahdo Cabdi Nuurre Siyaad oo loo yaqaan Cabdi waal sida warbixinta lagu yiri iyo nin kale oo magaciisa lagu sheegay Max’ed Wali Sh, Axmed Nuur oo ay guddigu ku sheegeen in loo yaqaan Axmed-nuur.

 

Cabdu Nuure Siyaad guddiga dabagalka Q,M waxaa ay ku tilmaameen inuu yahay dagaal Ooge magaalada Muqdisho ku nool oo maamula illaa 100 dagaalame oo hubeysan qaatana qandaraasyada dilalka sida warbixintaan lagu yiri waxaana guddigu sheegay inuu aad ugu dhawyahay oo uu xiriir la leeyahay hogaamiyaha ururka dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara Zakariye Max’ed Xaaji Cabdi iyo saraakiil Shabab ka tirsan.

 

“Illo ay guddigu heleen waxaa lagu ogaaday in Cabdiwaal uu xiriir toos ah la leeyahay madaxda dawlada Eritrea taasna waxaa ay keentay inuu dhawr jeer uu madax Eritrean ah la qaatay kulamo albaabadu u xirnaayeen” ayaa warbixintaan lagu yiri.

 

Ninka kale ee ay guddigaan ku sheegeen in Axmed-Nuur la yiraahdo waxaa ay ku sheegeen inuu Xarakadda Al-Shabab u qaabilsan yahay dhanka isku xirka siyaasada isla markaana uu Cabdi Nuurre Siyaad Cabdi-Waal uu ku taageero fulinta qorshayaasha sida warbixintaan lagu xusay.

 

Axmed Nuur oo sidoo kalene guddigu sheegeen in la yiraahdo Ugaas Max’ed Wali inuu magaalada Khartoum ee xarunta wadanka Sudan uu kula kulmay safiirka Eritrea u fadhiya dalka Sudan oo Max’ed Mataay la yiraahdo waxaana uu kala hadlay arrimo la xariira in lagu taageero qaska ay Soomaaliya ka wadaan.

 

Safiirkaan Matay la yiraahdo waa qabiir ku wanaagsan dhanka sirdoonka ciidamada waxaa uu ka howlgalay Soomaaliya sanadkii 2009,kiina waxaa laga musaafuriyay dalka Kenya kadib markii la ogaaday inuu Soomaaliya kula kulmay saraakiil Al-Shabab ka tirsan

Warbixintaan maanta lagu qoray wakaaladda wararka Reuters ee ay diyaariyeen guddiga Monitoring Group waxaa lagu sheegay in xukuumadda Asmara ay sidoo kale taageerto shaqsiyaad ay ku tilmaameen inay qas wadayaal yihiin oo qaarkoodna ay dawlada gaar ahaan madaxtooyada ay ka ag dhaw yihiin.

 

Ugu dambeyn warbixinta ay guddigu ka diyaariyeen eedeynta Eritrea oo 80 bog ka kooban waxaa lagu wareejiyay shir gudoonka xilligaan ee golaha amaanka ee Q,M oo ah safiirka dawlada Kuuriyada Koofureed Kim Sook.

Salaanmedia/Hargaysa