Qaramada Midoobay:Qadar Ayaa Bixisay Lacagihii lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh

image

Muqdisho July 19,2013(SM)-Waribin ay daabacda Gudi ay QM usaaraty daba socodka xadgudbyada saran Soomaaliya ayaa sheegay in lacago faro badan oo uu ku ololeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh laga soo qaaday dalka Qadar.

Warbixintan ayaa si weyn uga careysiisay madaxtooyada oo Soomaaliya ayaa jawaab adagna ka bixisay xogta ku xusan warbixinta Qaramada midoobay.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa sheegay in hadalkaasi aanu waxba ka jirin isla markaana ay baari doonaan.

Sidoo kale afhayeenku waxa uu sheegay in eedani ay waxba kama jiraan ka dhigeyso waxqabadkii dawlada ee mudadii ay jirtay.

Si kastaba ha ahaatee warxibintan ayaa ka hadashay dhinacyo farabadan oo ay ka mid ahaayeen Burcad badeeda Argegixisada iyo Dhuxusha Kismaayo ay AMISOM ka dhoofiso.

Salaanmedia/Hargaysa