Qarax xoogan oo wax yar ka hor ka dhacay Magaalladda Muqdisho. (Warbixin).

newsflash1

Wararka naga soo gaadhaya Xaafadda Suuqa xoolaha ayaa sheegaya in Qarax xoogan oo geestay Khasaaro iskugu jiro dhawac iyo dhimasho uu ka dhacay Xaafada suuqa xoolaha Ee Degmada xili waa Ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa nooca Bambada Gacmaha laga Tuuro ayadoona la eegtay Goobta basaska ah oo ka agdhawaa Goob lagu iibiyo Qaadka.

Inta la Ogyahay Hal ruux ayaa ku geeriyooday ku dhawaad ruuxna Dhaawacya kala duwan ayaa ka soo Gaaray

Weerarka kadib ayaa waxaa goobta soo buux dhaafiyay Ciiddamada Xukuumadda Somalia oo halkaasi ka qabqabtay Rag lagu tuhmaayay inay ka dambeyen weerarkaasi.

Ugu dambeyntii, Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Goobaha caafimaad ee muqdisho ayadoona ay jiraan dhawaacyo Qaar Halis yihiin.

Salaanmedia/Mogdisho