QISO CAJIIB AH.

QISO CAJIIB AH.
944755_10201103886095446_758672735_n

waxaa uu ahaa Macalin school oo Ardey badan wax u dhiga, wuxuuna ahaa mid aan ilaaheey Rumeysneyn jirtaankiisa, waxaa uu Maalin maalmaha ka mid ah Go’aansaday inuu ka hadlo Arimaha Jirintanka ilaahey isagoo doonayay in uu Ardeyda ka Dhaadhiciyo in Allaah uusan jirin. Subxaanallah.
Waxaa uu macalinkani ardeydii weydiiyay su’aalo badan wuxuua ku bilaabay sidan:-

MACALIN:- Ardeyahay ma Aragtiin Daaqada?
ARDAY:- Haa wan Aragnaa
MACALIN:- Ma Aragtiin Miiska?
ARDAY:- Haa wan Aragnaa?MACALIN:- Ma Aragtiin waxa ku qoran Sabuurada?
ARDAY:- Haa wan Aragnaa?
MACALIN:- Ma Aragtiin Baabuur Fasal ku Dhex jira?
ARDAY:- Maya ma Aragno Gaari.
MACALIN:- Ma Aragtiin Ilaahay?
ARDAAY:- Maya ma Aragno
MACALIN:- Hadaba Ogaada inuusan ilaahey wax jiro aheyn.

mid ka mid ah Ardeydii Fasal ku jirtay oo muslim ahaa ayaa istaagay wuxuuna macalinkii ka Codsaday bal inuu Ardeyda Su’aal weydiin karo iyo in kale, Macalinkii ayaana u Fasaxay in uu Su’aasha Weydiiyo Ardeyda.
ARADYGII MUSLIMKA:- Ma Aragtiin Caqliga Macalinka?
ARDAYDII KALE:- Maya ma aragno
ARDAYGII MUSLIMKA:- Hadaba Ogaada in uusan Macalinku Caqli laheyn.

Macalinkii iyo Ardeydii ayaa mar Qura wada Aamusay, ayagoo la yaabay Qaabka uu Ardaygani Tusaalaha ugU Haboon ku keenay ee uu Macalinka ugu jawaabay Caqli yaradiisa aheyd inuu Inkiro waxa aysan ishiisu qaban karin.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR, YAA RABBI).
W.Q:- Ahmed Hassan Yusuf