Saamiga Beelaha Somaliland Ku Kala Leeyihiin Kuraasta Golaha Wasiirada

Saamiga Beelaha Somaliland Ku Kala Leeyihiin Kuraasta Golaha Wasiirada

image

Mansabyada hay’adaha dawladda Somaliland gaar ahaan xukuumadda oo lagu saleeyo magacaabista xilalka kala duwan ee xukuumadda qaab beeleed oo lagu saleeyo xulashada xubnaha jagooyinka loo magacaabayo isla markaana masuulka xilka laga qaado lagu badalo masuul ay isku beel ka soo jeedaan taas oo xitaa marka laga tago jagooyinka goloha Wasiirada, Agaasima waaxeedyada wasaaradaha ay gaadhay in beelo lagu qaybsado.

 

Goloha wasiirada Somaliland oo tiradooda guud marayso in ku dhaw konton xubnood oo iskugu jira Wasiirro, Wasiiru dawlayaal iyo wasiiro ku xigeeno ayaa xiligan isku badashay mid sal balaadhan oo keentay tiro badnaanteedu mid ay saamayn ku yeelatay nidaamka beelaysan iyo saamiqaybsiga kuraasida golaha xukuumadda lagu saleeyo. Beelaha Somaliland ayaa kuraasida golaha wasiirada u kala leh sidan soo socota:

 

Beesha Bariga Burco

1. Wasiirka Madaxtooyada

2. Wasiirka Duulista hawada

3. Wasiirka Macdanta

4. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

5. Wasiiru-dawlaha Waxbarashada

6. Wasiir-ku xigeenka Beeraha

Beesha Galbeedka Burco Iyo Bariga Iyo Waqooyiga Hargaysa Iyo Sanaag

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha

2. Wasiirka Deegaanka

3. Wasiirka Xanaanada Xoolaha

4. Wasiiru-dawlaha Maaliyadda

5. Wasiir-kuxigeenka Ganacsiga

6. Wasiir-kuxigeenka Caafimaadka

Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa

1. Wasiirka Maaliyadda

2. Wasiirka Arrimaha Dibadda

3. Wasiirka Ganacsiga

4. Wasiirka Warshadaha

5. Wasiirka Waxbarashada

Beesha Gobolka Saaxil

1. Wasiirka Qorshaynta Qaranka

2. Wasiir-kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Beesha Salaxlay

1. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta

2. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada

Beesha Balligubadle

1. Wasiirka Caddaladda

2. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

3. Wasiir-kuxigeenka Arrimaha Dibadda

4. Wasiir-ku xigeenka Arrimaha Bulshada

Beesha Sayla-Bari

1. Wasiir-kuxigeenka Gaashaandhigga

Beesha Gobolka Awdal

1. Wasiirka Arrimaha Bulshada

2. Wasiirka Beeraha

3. Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha

4. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta

5. Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda

6. Wasiir-kuxigeenka Qorshaynta Qaranka

Beesha Gobolka Sool iyo Buuhoodle

1. Wasiirka Caafimaadka

2. Wasiirka Hawlaha Guud

3. Wasiirka Biyaha

4. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari

5. Wasiir-kuxigeenka Arrimaha Gudaha

Beesha Bariga Sanaag ee Gobolka Badhan

1. Wasiirka Gaashaandhigga

2. Wasiirka Kalluumaysiga

3. Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha

4. Wasiir-kuxigeenka Macdanta

Beesha Gobolka Selel

1. Wasiirka Dib-udajinta

2. Wasiir-kuxigeenka Caddaalada

Beesha Fiqishini

1. Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta

Beesha Laga Tirada Badanyahay

1. Wasiir-ku xigeenka Hawlaha Guud

Qaybaha kale ee agaasimayaasha guud Lasoco….

 Cabdikhaalid Diiriy Cawad
Salaanmedia/Burco