Sadexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Qalinka Ku Wada Duugay Heshiis In La Qabto Diiwan Galinta Doorashada

image

Hargeysa(SM) July17, 2013-Komishanka Doorashooyina, Xisbiyada Qaranka iyo Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland ayaa maanta kala saxeexday Heshiis ku saabsan sidii dalka looga qaban lahaa diwaan galinta codbixin iyo ta jinsiga.Kulan ay Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha ku yeesheen Komishanka, Saddexda Xisbi Qaran iyo Wasaaradu ayaa lagu Saxeexay Heshiiskaasi,

Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhinacyadu kuwada qanceen islamarkaana ay isla qaateen in aan Doorasho dambe lagu galin Bilaa Diwaan galin,

“Waxaanu isla Af garanay in aanu hareeraha isla qabano, wixii hab ah ee ay u baahan tahay doorashadu oo aanay Iman wax khilaaf ah oo laysku jiid-jiito,markaa waxaanu isla qaadanay in aanu labadii Diwaan galineed-ba Samayno oo Qofku haysto Kaadhkii dhalashada Muwaadinimo(taysaraddii) iyo Kaadhkii uu codaynta kagaga qayb gali lahaa,markaa waanu isla qaadanay inaanu labadaba waydiisano in Bulshada Caalamku noo fan gareeyaan taas oo ah Arinta nagaga xidhan Bulshada Caalamka oo horena iyagaa u waday Diwaan galinta Codbixinta ta kalena iyagaa naga caawinaya,sidaas ayaanu ku saxeexaynaa in labada hawloodba na loo fuliyo.” Ayuu yidhi wasiirka Arimaha Gudaha.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali waraabe ayaa isna xukumada ka dalbaday inay Doorashada wakhtigeedii ku qabato,waxa uu sheegay in Culayska doorashadu saaran yahay Xukumada ee aanu saarnayn Bulshada Caalamka,waxa uu soo dhaweeyay in dadka Reer Somaliland helaan Taysaro ama Kaadhka muwaadinimo.

“Labada Arimood ee Kaadhka Dhalashada iyo kaadhka Codayntu waa laba Arimood oo dusha ka saaran Xukumada waxayna ka mid yihiin waxyaabaha loo Igmaday,Maaha inaynu isku xidhno dhaqaalaha ka imanaya Dibada iyo waajibka ina saaran,

Dawlada maanta joogtaa way ka nasiib badan tahay kuwii hore Dhaqaalaha maanta ina soo gala waynu ka samaysan karnaa Kaadhka Codbixinta, In aynu u xayirnaano Baahi dibada ah markaa waxaan u arkaa inaan Dawladu Niyad u hayn doorashada.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah Waddani ayaa isna sheegay in markii laga dooday Samaynta kaadhadhka Codaynta iyo Dhalashada ay isla garteen in kaadhka Dhalashadu yahay mid mudo soconaya islamarkaan ka codaynta la soo horaysiiyo,waxa uu heshiiskan ku tilmaamay mid ka marag kacaya in midnimo iyo wada jir lagu galo , waxaanu Xukumada u soo jeediyay inay kaalinteeda ka qaadato Dardar galinta Doorashada.

Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa sheegay in Doorashooyinka intii suura gala xiligooda lagu qaban doono sida uu sheegay.

“Waxba yaan xarabka lagu xagin Doorasho dib u dhacda Cid xaga dambe wax u jiidaysaa ma jirto, Kulmiye iyo Xukumadani qolo ka baqanaysa Codaynta(Vote)ka oo dib u war wareegaysa maaha” Ayuu Yidhi Muuse Biixi

Ururadda iyo Komishanka Qaranka ayaa baryahan isku mari la’aa Qodobada heshiiskan iyagoo Xisbiyada iyo Komishankuba hore u diideen in la qabto doorasho Aan diwaan galin lagu galin.

Salaanmedia/Hargaysa