Safiirka Ethiopia ee Somaliland..“Xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu marayaa halkii ugu wanaagsanaa”

Hargaysa (SM): Safiirka dawalda Itoobiya u fadhiya caasimada Somaliland ee Hargaysa Anbassador Berha Tasfaye ayaa sheegay inay sii xoojinayaan xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu tilmaamay in xidhiidhka labada dawladood oo marayo meeshii ugu saraysay.

General Berha Tasfaye waxa uu xusay in masuuliyiin ka kala socda labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis ku kala saxeexan doonaan magaalada Diridhaba bisha sagaalaad ee sanadkan, heshiiskaas oo ku saabsan ganacsiga maalgashiga iyo nabadgelyada.

General Berha Tasfaye waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad ay shalay xilka kula kala wareegayeen agaasimaha cusub ee wasaarada arrimaha dibada iyo agaasimihii hore ee wasaaradaas waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “kalka hore waxaan salaamayaa shacbi waynaha Somaliand waanan hambalyaynayaa agaasimaha xilka wareejinaya iyo kaalintii uu ka qaaday wada shaqayntii ka dhaxaysay Somaliland iyo Itoobiya waxaad ugu mahadsan tihiin fursada aad iga siiseen xafladan, inaan ka hadlo anigoo ku hadlaya afka safaarada Itoobiya ee ku taala Somaliland iyo wasaarada iskaashiga iyo arrimaha dibada ee dawlada Federal ee Itoobiya” ayuu yidhi Berha Tasfaye.

waxaana uu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata oo uu yidhi. “Sanadkan maanta waxa noo qabsoomay waxyaabo faro badan waxa sanadkan gudihiisa shir ku kulmay magaalada Hargeysa, masuuliyiin ka kala socotay labada dawladood, waxaana lagaga wada hadlay iskaashiga dhianca maalgashiga iyo ganacsiga, xaga kastamka xaga nabada, tacliinta iyo korontada, waxaanan rajaynayaa bisha sagaalaad waxa ay ku kala saxeexan doonaan maaalada Diridhaba masuuliyiin ka kala socota labada dawladood heshiish arrimahaa la xidhiidha, waxanan aad u hambalyaynayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibada iyo gudidii dawlada Itoobiya u soo dirtay heshiisysadan waxaanan rajaynayaa masuuliyiintan la wareegtay wasaarada arrimaha dibada inay sii xoojinayaan xidhiidhka labada dal oo maraya heerkii ugu wanaagsanaa, waxaanan mustaqbalka sii xoojinay in ay labada dawladood ka shaqeeyaan, xaga ganacsiga nabadgelyada”.

Salaanmedia/Hargeysa