Safiirka Wareega Ee Somaliland Oo Bogaadiyay Magacaabista Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda

Hargeysa (SM) Safiirka wareega ee Somaliland Kaysar C/laahi ayaa bogaadiyay magacaabista Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ah Aqoonyahan reer Somaliland ah oo muddo badan ka soo shaqeeyay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Kaysar Safiirka Wareega ee Somaliland oo ku sugan magaaladda Hargeysa ayaa Farriin ku saabsan taageerada uu wasiirka cusub u fidinayo waxa uu ku yidhi “ Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibedu waa Halyey uu Qarankeenu u baahnaa. Wasiirkii horena wax badan ayuu qabtay mudadii uu xilka hayay” ayuu yidhi Ambassador Kaysar.

images

Farriintan aayaa ka turjumaysa baahida loo qabo in siyaasadda Arrimaha dibead Somaliland noqoto mid u baahan in laga qaado halka ay taagan tahay, isla markaana laga midho dhaliyo Ictiraafka ay Somaliland 22-ka sano raadinayso, taasoo masuuliyiinta wasaaradda Arrimah dibeda soo maray mid bam eel gaadhsiiyay.

Wasiirka cusub ayaan wali dalka iman, hase yeeshee waxa jira dareeno kala duwan oo lagu soo dhaweynayo xilka cusub ee loo magacaabay maadaama uu xidhiidho badan la leeyahay madaxda iyo Dawladaha Dunida.

Safiirka wareega Somaliland

Kaysar Cabdilaahi