Salaadiintii iyo waxgaradkii isu xilqaamay xallinta khilaafka ka dhex taagan Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka iyo xukuumadda

news-image1

Hargeysa  (SM) Salaadiintii iyo waxgaradkii isu xilqaamay xallinta khilaafka ka dhex taagan Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka iyo xukuumadda ayaa Habeenkii xalay ahaa la kulmay Golaha wadatashiga iyo Toosinta.  Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen kana dhacay Huteel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu lafo guray sidii  Golaha wadatashiga iyo Xukuumadda la isugu soo dhaweyn lahaa, islamarkaan dhexdooda looga Abuuri lahaa jawi is-afgarad iyo Isfahan.  Wararka u dhuun dalloola ee laga helayo Kulankan labada dhinac, ayaa sheegaya in Salaadiintu Golaha u soo bandhigeen inay ka tanaasulaan Magaca xajiinta iyo baqdinta dhaliyey ee ay la baxeen, kuna Bedeshaan magac kale oo ka Naasilan.     Waxa ay wararku intaa ku dareen in Golahu  si diirran oo bilaa nashuushad ah ugu wargeliyey salaadiinta inay ka soo fidiri doonaan Bedelaadda magacan oo ay sheegeen inay ugu dambayn maanta war buuxa oo rasmi kusoo celin doonaan marka ay taladooda soo dhamaystaan. 

Sidoo kale waxa salaadiintu dhinacooda Golaha ka ballan qaadeen inay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo horgeyn doonaan si ay ugu sheegaan dhaliilaha  qodobaysan ee ay haatan gacanta ku hayaan iyo si salaadiintu u sheegay inay dhaafin doonaan Wasiirada ka sokeeya madaxweynaha oo Goluhu si aad ah uga biyo diidsan yihiin. 

Wasiirada ay Goluhu ka shaki qabeen inay madaxweynaha ka soo Gadaal maraan, ayaa waxa ugu horreeya wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay si maalmihii ugu dambeeyey  hadallo culculus oo naxli u badan Hawada isu marinayeen xubno ka tirsan Golahan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo isagu xagga Amniga Qaabilsan.  Dhinaca kale salaadiinta iyo waxgaradkan isu abaabulay sidii ay meesha uga saari lahaayeen Khilaafkan, ayaa lagu wadaa inay maanta ama caawa la kulmaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo si ay arrinta mujaahidiinta dhinaciisa ugala hadlaan. 

Salaanmedia/Hargaysa