Sawdigii xashkii tegay, Xeerkaan idinku dhaqayaa, Walaha xaaji noomaray:waa hees cusub:By Abwaan Yalas.

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan iyo bulsha sharafta leh ee ku hadasha afka soomaaliga.

Hees

Waxaan halkan ku soo qadimaya hees aan ka curiyay  isku shaandhayntii madaxweynuhu ku sameeyay golihiisa wasiirada, gaar ahaan Dr xoog.Wasiirkii caafimaadka oo aad iyo aad looga xumaaday erigii laga eryay shaqada waxa kaloo ku xusayaa madaxdii la eryay intooda badan.Xaashee digtoorkii
Laga waayay xumahee
Xilkii loo igmaday iyo
Xaafiday dadkeenii.

Hadba kii xanuusada,
Xanaaneeyay shacabkee,
Dawada kuwii xadaayiyo
Tuugtii ka wada xidhay.

Xeelad-diisa weeyee
La xidhiidhay dunidee
Dhakhtarada xarfaanta ah
Soo xarooda wada yidhi.

Intaan anigu xay ahay
La’igu ridin xabaashii
Xaqaan ku adimayaa
Dr xoog maxuu dhimay.

Ina xaashi lama ledoo
Waa ninkii xagaagay
Kugu xoonsanayd talo
Kuu buushay xeradii.

Boobaan xasuusnahay
Taariikhda xoog-ga ah
Xogogaal ki waynaa
Siday uga xanaajeen

Shaqaduu ku xiiqiyo
Xildhibaan ki waa Duur
Xamar buu u carariyo
Beena lagu xajiimee.

Wixii uu xuduudiyo
Xeebaha dalkeeniyo
Xarumaha hagaajaba
Geeljiraa xayirin weli.

Xeerbeegti-gii Gacan
Dadku wada xurmayn jiray
Xagee looga soo dhacay,
Xaabsade maxuu canay.

Xirsiyoow aqoon tiyo
Hadii aan xishood jirin
Miyaynu xoolahaa iyo
Xayawaanka dhaaanaa.

Sawdigii xash-kii tegay
Xeerkaan idin ku dhayaa
Walaha xaaji noomaray
Waa maxay xigtaysigu.

Sawtan xaafaddaadii
Ninna aanad xaasibin
Dad kakale xulkoodii
Aad ka xaadhay golihii.