Shacabkani wanaagsanaa oo dulqaad badanaa. W/Q:Xuseen Xasan Badmaax

Cawaro,Faqash iyo Dhukkan

Badmaax

Dhamaan saxaafada madaxabanaan iyo shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxaan leeyahay Ramadaan kariim.

Dalkani ayaan daranaa oo hadana nasiib badanaa.Shacabkani wanaagsanaa oo dulqaad badanaa.Dawladii ugu horaysay dalkii laysku odhan jiray Somaliya waxa shacabkani u bixiyay (Cawaro).Markuu shacabku muddo dheer eegaayay talaabooyinka taban ee ay dawladaasi kula dhaqmi jirtay,adeegsatay siyaasad beelaysan,kala qaybisay shacabka,lunsatay hantidii qaranka ayuun bay meel kamay doonin ku naanayseen Cawaro.Waxa kale oo aan xasuustaa erayo ay shacabku ka dhigteen hal hays,una ekaa duco maldahan oo ay dawlada fariin ahaan ugu dirayaan.Waxa ka mid ahaa (Allahayaw ama roob lacag ah ama ruush).Markuu arrin halkaa marayo ee ay dawladii jirtay dheg u dhigi wayday tiraabta shacabka ayaa ciidankii qaranku ka jawaabay rajo la’aantii shacabku ka qabay dawladii berigaa jirtay.

Riyaaq iyo rayn-rayn ayaa shacabkii mar qudha qalbigii qaboobay,rajo wanaagsana u muujiyay af-ganbigii ay ciidanka qaranku ku sameeyeen dawladii cawaro.Markaa dalku wuu nasiib badnaa oo quustii laga taagnaa dawladii cawaro ayaa halkaa ku dhamaatay.Balse dawladii ka dhalatay ciidanka ee uu hogaaminayay dhiigya-cabkii Afweyne may mahadin shacabku oo waabu ka daray dawladii cawaro.Tilmaan iyo ku noqosho uma baahna xasuuqii iyo tir-tiridii loo gaystay shacabkan Jamhuuriyada Somaliland.Taana shacabku waxay ku naanayseen (Faqash).Markana dalkani wuu ayaan daraa oo filitaankii iyo rajadii shacabku waxay noqotay holac dalkan wada saameeyay.

Laga dagaalan,lagana soo doog wax dalkan soo marayba.Lala soo noqoy gooni isu taagii lumay,madax-banaani la wada go’aansay,haykalkii dawladeedna dhidibada loo adkee.Ka soo waadadii, halkaynu maanta maraynaa,xagayse dawladan maanta dalka ka talisa geediga ku wadaa.Lama arag,lama maqal iyo dhabano-hays ayaa shacabku kala kulmay dawladan dalka ka talisa ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed-siiraanyo.Waa tubtii dawladahii Cawaro iyo Faqash ee hore dalkan u soo maray.Socodku waa kii,dhaqanku isma bedelin,caga juglaynta iyo cabudhinta lagu hayo saxaafada madaxabanaan waa halkeedii.Meeday hubaal,danbiilayaashii saqda dhaxe afka soo duubtay ee dhaawaca u gaystay hawl-wadeenada wargayska hubaal maye,xagee lagu hayaa,maxaa sharciga loo hor keeni waayay.Ma dhow-dhowa waxay soo wado dawladan maanta dalka ka talisaa.Maba qarsato ku dhaqanka qabyaalada,waabay ku dhiirantahay ciidamadan u gaarka ah ee saqda dhaxe caruurta iyo waayeelka ugu dhacaaya guryahoodii sifo sharciga ka baxsan.Markana shacabku waxay ku naanayseen dawladan uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed-siiraanyo (Dhukkan).Waxaana shacabku ka soo xigtay magacan maah-maah Somalilanders-ku hore u yidhaaheen (Lax dhukkan abaar moog).Waxaanay u jeedaan dawladan maanta dalka ka talisa si kastaba wax loogu sheeg balse waabay ka dhukkantahay.Laxda dhukkana ilaa dhengad lagu dhufto waxba ma maqasho.Dawladan uu hogaamiyo madaxweyne Axmed-siiraanyo-na kobtaas ayuun bay ku socotaa.

Waxa aan ku soo afjarayaa haday dawladu maqli waydo shacabka oo ay dheg u dhigi waydo aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta ruug cadaaga ah ee maalin walba saxaafada ama fool ka fool wax ugu sheegaaya iyadaa cirka roob ku og ee hayska dhukkanaato ilaa inta ay derbiga ka soo go’ayso.

Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL