SHEEKO:CASHADII MADAXWAYNAHA – MARWADIISA IYO WASIIRADIISA

timthumb

Waa sheeko dhex martey madaxweyne iyo marwadiisa , oo wasiiradii guulwadayaasha ahaana agtaagan yihiin .

Iyadoo uu madaxwaynihii akhriyaayo (report) yadii loo keenay , oo dhawr wasiir oo gaagaabani la joogaan , ayaa XAASKII madaxwaynahu xafiiskii uu fadhiyey soo gashay iyada oo degdegsan oo wejigeedana ka muuqato WERWER iyo BAQASHO.

Markaasuu madaxwaynihii waydiiyay isaga oo yaaban

Madaxwaynihii : WAXAA KU HELAY ?

Marwadii1 :WAXAAN KA WERWERAYAA WAXA SOO SOCDA ?

Madaxwaynihii : waxba haka werwerin , wax kastaaba gacantayda ayay ku jiraane .

Marwadii1: yaa kugu yidhi wax kastaaba gacanta ayay kuugu jiraan ? MA KUWAN GAAGAABAN ? miyaanad wararka la socon ? TV yada miyaanad daawan ? wargeysyada miyaanad akhriyin ? website yada miyaanad akhriyin ?

Madaxwaynihii:Way ka badbadinayaan ee waxba haka rumaysan , INAGA AYAY QALBIGA INAGAGA CIYAARAYAAN.

Marwadii1: Shalay waxa ii timi gabadhii ii feedhi jirtay , oo waxay degen tahay caasimadda koonaheeda kale . waxay ii sheegtay ( ARIN I BAQO GELISEY)

Madaxwaynihii: oo maxay kugu tidhi ?

Marwadii1:Waxay igu tidhi (WAXAY FILANAYAAN IN  KACDOON DHACO ) 2 TODOBAAD EE NAGU SOO FOODDA LEH  GUDAHOOD
OO AY XUKUUMADDUNA DHACDO , KABACDINA SHACABKU MADAXTOOYADA SOO WEERARO OO QABSADO .
WAXAANAN KA BAQAYAA , INAY INA DELDELAAN ???
sidii jawjisko iyo xaaskiisii laga sameeyay ee beerta lagu deldelay.

Madaxwaynihii :XAAJIYO ISDEJI , HADALKAASU MID MEESHA YAALA MAAHA ,WAX LAGU HADLONA MAAHA ., wararka aan halkan ku hayo waxay sheegayaan , IN DALKA iyo DADKUBA NA TAAGEERSAN YIHIIN , laakiin waxa jirta KOOX YAR OO AAN ISNAQAANNO OO WARBAAHINTA KA DHEX QAYLINAYSA , KUWAASNA DABINKOODII WAAN WADAA , (SIDII AAN U SOO XIDH XIDHI LAHAA )

Marwadii1: xaaji kuwan kugu xeerani BEEN bay kuu sheegayaan , ee harumaysan .
INA KEEN AYNU DHOOFNEE ,OO AYNU ISKAGA NOQONO MEESHII AYNU KA NIMI  (LETS GO HOME ) AYNU ISKAGA TAGNO MEESHAN KHATAR TEEDA , INTA GOORI GOOR TAHAY , ( please I RUMAYSO OO INAGA MARI MEESHA).

Madaxwaynihii : oo (cadhaysan) ma waxaad doonaysaa in ay taariikhda ii gasho , WAA MADAXWAYNIHII DALKIISA KA CARARAY ( baxsaday ).

Marwadii1: Madaxwayne baxsaday ayaa ka wanaagsan ,madaxwayne dhintay , oo shacabkiisii sii dileen.

Madaxwaynihii:Waxan kuu sheegayaa in QASRIGA madaxtooyada aan agagaarkiisa laga soo dhawaan karayn , caasimadda nabad gelyadeeduna gacanta ayaanu ku haynaa , hadduu DHUKHSI hawadeenna  soo galo waa lasoo (ridayaa ) , wax kale iska daayoo.

Marwadii1:Dib isugu noqo , arintu aad iyo aad bay u soo fool xuntahay , WAKHTINA inooma HADHIN , WIXII AYNU QAADAN KARNO AYNU HORE U SII QAADANO , illayn awalba wax badani meesha inagay oo line.

Madaxwaynihii :Waxaad ogaataa ciddii ina soo hawaysata way JABTAY , waxaanay ogaan doonaanAWOODEENNA dhabta ah.

Marwadii1:(iyadoo aad u niyad xun ) Ma cashaysay ?

Madaxwaynihii:Haayoo , GAABANE ayaa ii keenay ( FISH and CHIPS ) oo ii soo sameeyay  iyo wax yar oo kale .

Marwadii madaxwaynaha hafiiskii way ka baxday , qolyihii GAA GAABKA ahaana weli way ku xeernaayeen , iyaga oo kuligood dheguhu wada taagan yihiin .

ILLAAHAYAW DALKA SOMALILAND IYO DADKA REER SOMALILAND BA ILAALI .

RAMADAAN KARIIM .

CALI MAXAMED BIIXI

caliwwelli @hotmail.co uk