Shiikh Rer Somaliland Ah Oo Ku Guulaystay Abaalmarin Caalamiya Oo Qur’aanka Kariimka Ah.

(SM-Riyaad)Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo asaasay Xaruunta Imaam Shaadibi ee barashada Quraanka ee Magaaladda Boorama ayaa ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Barista quraanka ee dunida islaamka ee sannadkan.

Abaal marinta caalamiga ah ee Quraanka Kariimka ah oo sannadkiiba mar ay bixiso Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa sannadkan ku guulaystay Sheekh Somaliland ka soo jeeda gaar ahaana magaalada Boorama oo Muddo badan ka shaqaynayay barista Tajwiidka Quraanka kariimka.

Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo asaasay Xaruunta Imaam Shaadibi ee barashada Quraanka ee Mgaalada Boorama ayaa ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Barista quraanka ee dunida islaamka ee sannadkan , waxaana abaal marintaasi lagu guddoonsiiyay Magaalada Jeddah oo lagu qabtay munaasabad caalami ah oo loogu talagalay arrintaasi.

Amiir Khaalid Al Faysal oo matalayay boqorka Sucuudiga ayaa abaal marintaasi bixiyay. Sheekh Xuseen Nuur ayaa VOAda uga warramay marxaladaha ay soo martay barashada Tajwiidka Quraanka uu soo maray Somalia, isaga oo tilmaamay inuu arrintaasi gacan wayn ka gaystay Sheekh Cali Suufi oo macalinkiisii ahaa.

Salaanmedia/Hargaysa/Office.