Shir Guddi Lagu Doortay Beesha Gadhweyn Ee Muuse Ismaaciil Magaalada London

news

London(SM)- Shirar  indhawaale uga socday  Beesha Gadhweyn ee Muuse Ismaaciil, ayaa guddi lagu saaray ay go’aamisay in sida ugu dhaqsaha badan ay Beesha Gadhweyn ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Ingiriisku ay shir degdeg ah isugu yimaadaan si loogu diyaar garoobo ka qayb qaadashada shir ay beeshu abaabulkiisa ku jirto oo lagu wado in uu ka dhaco xarunta Xaaji Muuse ee Magaalada Ceerigaabo dabayaaqada bisha 8aad ee soo socota.

 

Guddidan loo xilsaaray abaabulka hawshaasi oo ka kooban shan xubnood oo kala ah:-

1-Mustafe Cabdi Ciise”Shiine”

2-Keyse Siciid Axmed “Keyse Qaaraweyne”

3-Axmed Nuur Cumar  Jabaabul.

4-Jaamac  Dabxaan iyo

5- Mukhtaar Cali Yuusuf, ayaa kadib markii ay xidhiidho joogta ah la sameeyeen xubno ka mid ah madax dhaqameedada ,aqoonyahanka,dhalinyarada,siyaasiyiinta,haweenka iyo waayeelka gobolka ku sugan,islamarkaasina ay arkeen baahida ay beeshu u qabto inay aayaheeda ka tashato una midowdo sidii ay wax uga qaban lahayd dib u dhaca joogtada ah ee beesha ku habsaday haddii ay tahay dhinaca midnimada beesha dhexdeeda,arrimaha bulshada iyo siyaasada ay guddidani  isla qaadatay in horaanta bisha August ay dhamaan noocyada kala duwan ee beeshu ay shir degdeg ah isugu timaado magaalada London.

 

Xubnahani waxa ay ay ku tilmaameen wax aan la aqali karayn halka ay maanta yururto beeshu, iyadoo deegaankeedu uu noqday mid ay ka muuqato dayac duunyo iyo dadba,iyadoo ay beeshani ahayd tii calanka Somaliland ka qotomisay gobolka Sanaag, ilaa iyo maantana aanay arkayn wax uga soo kordhay xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka soo mara oo ay ugu sii liidato tan maanta joogta oo aad moodo in ay si gaar ah u bartilmaameedsanayso beeshan,iyadoo ay xukuumaddani ay horumarkii gobolka gaar ahaan deegaanka beeshan ay ka ilaalisay.

 

Salaanmedia/London

xigasho oodweynenews