Shir-gudoonka Wakiiladda Oo Cambaareeyay Gole Sharciyadda Dalka Burinaya Oo Lagu Dhawaaqay

HARGEYSA (SM)- Shir- guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa qayral sharci ku tilmaamay gole dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, oo la magacbaxay Golaha ‘Wada tashiga iyo toosinta ee Qaranka’.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Aw Yuusuf Axmed oo maanta warbaahinta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dalku leeyahay golayaal iyo saddex xisbi, waxaanay ku tilmaameen wixii intaa ka baxsan in ay baalmarsan tahay dastuurka.

Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlayay golaha lagu dhawaaqay, waxa u yidhi “Inta la yidhaa dawladii ma jirto, goleyaal ma jiraan oo la sameeyay gole la yidhaa Golaha Wadatashiga iyo toosinta’, taasi way inagu soo korodhay. Golayaal baa jira qaran, haddii aan dastuurka iyo sharciga la dhawrin, waad ogaydeen ururadii baa la furay doorashaa la galay saddex xisbi qaran baa jira saddexda xisbi qaran ayaa afka shacabka ku hadlaya iyo saddexda gole. Gole kale cidii sheegatay dastuurka ayay jabisay.”

.
Mudane Baashe waxa uu intaasi raaciyay oo isaga oo hadalkiisa sii wata, “Waxa aan ku waaninaynaa oo aanu u soo jeedinaynaa guddidaasi golaha sheegatay waa sharci darro meel dastuurku u banaynayaa ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa odayaasha in ay ka waantoobaan”.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Wakiiladda Dr. Cali Yuusuf Axmed oo naqdiyay siyaasiyiinta isku dayay inay mijo xaabiyaan sharciyadda iyo xeerarka dalka.

Salaanmedia/Hargaysa