Sidee Loo Soo Dhaweeyey Sharciga Lagu Kala Xadeynaaya Ganacsiga Somaliland – Qalinkii: Aadan Yuusuf Cilmi.

Sidee Loo Soo Dhaweeyey Sharciga Lagu Kala Xadeynaaya Ganacsiga Somaliland – Qalinkii: Aadan Yuusuf Cilmi.

..haddii sharcigan kala xadeyntada ganacsiga uu sidiisa u hirgalo, isla-markaana uu noqdo mid ka turjumaaya danaha iyo ujeedadii loo dejiyey, waxuu horseedi doonaa horumar dhaqaale….

 Ascww,

Dadka Somaliland oo ahaa xoolo dhaqato, ayaa waxay taariikh dheer oo xaga ganacsiga ah ku lahaayen geeska Afrika., inkastoo dhib laga mudan karo in la helo taariikh sugan oo ay dadka dadkeenu leeyihiin maadama aysan jirin , qoraal dhaxal ah oo la tixraaci karo, hadana dhanka ganacsiga dadkeenu ,waxay ka ciyaareen kaalin mug wayn oo ay umadaha qaaradaha kale ku nool  aad ugu qiraan, caana ay ku noqotay dekadeheena ay Berbera ka mid tahay.

lama hayo taariikh sugan oo ku saabsan waqtigii uu si rasmi ah u bilowday ganacsiga Somaliland,  balse qiyaasta ugu macquulsan ayaa ah in ganacsiga Somaliland , uu aad u hanaqaaday xiliyadii xadaaradaha islaamka ay soo gaadhay geeska Afrika , waxaa kaloo taariikhda ku sugan in ka hor islaamka ay Somaliland  xidhiidh ganacsi la lahaayeen guud ahaan qaarada Asia , balse bilowgii xadaarada islaamka waxaya dadka Somaliland  bilaabeen in ganacsigooda ay ku fidiyaan dhulalkii ay carabtu deganaayeen ,.badeecadihi ay dhoofin jireen waxaa ka mid ahaa noocyada kala duwan ee xoolaha sida Geela, Adhiga iyo Lo’da , waxayna ku soo bedalan jireen dhar iyo raashin,intii aan la helin lacagta ganacsiga loo isticmaalo.

Waxaaan muran jirin in Ganacsiga Somaliland ka hadalkiisu u baahan yahay waqti aad u fara-badan in laga hadlo,  lakiin aan jeclaystay bal inaan intii aqoontayda ka hadlo , soona koobo.

 Runta markaad u Gunda-degto Ganacsiga ka socda dalkeena , waxaa ku gedaaman dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin:- iyadoo aanay jirin kala xadayn ganacsi, oo ninka badeecada ka keena(Soo Dejiye)  wadamada Debadda in uu sameeyo illaa tafaariiq oo uu iibinaayo , halka ay jumlad kaga iibin lahaayeen isla markaana Dukaamada yar-yari sii tafaariiqayn lahayeen si ay iyaguna uga sii macaashaan.

Taas oo hubaal ah in qaabka ganacsigeenu noqday mid jiho wareer ah , oo ku salaysan ama ku dhisanba ,  qaab aan odhan-karno waa jaantaa rogan ah , kaas horseedi karaya ama uu horseedayba bur-bur dhaqaale oo aad u laxaad wayn iyo shaqo la,aan baahsan, mar hadduu Ganacsadihii Weynaa ama taajirka ahaa , isagu alaabtii ka keenay dibeda, hadana Bakhaarkiisana ku iibiniyo isla markaana gaadiidka soo qaadayay alaabtaasi ganacsi uu isagu leeyahay , magalooyinka dadkii faa,idada keenayey ama ha seexdeen ama ganacsiyada ha camireen oo nin keliya uu isku koobay , waxa halkaa ka baxay ama aan suuro gal noqonayn in ganacsatadii yaryarayd oo ay ahayd in ay Xukuumadu ilaaliso ay Qaar badan albaabadu u xidhmaan ,oo khadka ka baxaan .

Waxaa iyadana aan oolin Somaliland Siyaasad Qiimaha badeecada ah u go,an oo laysku waafaqsanyahay iyo in Arimaha Ganacsiga khuseeya aan lagu midaysnayn, qofkastaana waxii uu maskaxdiisa ka keeno ku iibiyo, Waxaa iyadana Somaliland aad ugu badan Ganacsiga qof keliya suurtageliyo, oo aad moodo in ay ku yartahay sida Ganacsiga Shuraakada oo caalamka Horumarka weyn ku sameeyay oo aan dhiirigelin badan jirin oo ka faa,iido badan ka ay cid kaligeed samaysato, oo noqday waxyaabaha horumarka lagu gaadhay in la shuraakoobo la is-kaashado.

Lama dhaqan-gelin  Xeer iyo Nidaam u degsan ama lagu dhaqo Ganacsatada Somaliland , Waxaana loo baahnaa in madaama Xukuumadihii S/land ee  jiray , ay ka baaqsadeen wajibkii saarnaa, ay ahayd  in ay Ganacsatadu ay iyagu isku-tashadaan,  kana fekaraan sidii ay u abuuri lahayeen, suurta-galna u noqon lahayd Xeerar iyo Nidaam kala haga Ganacsiyadooda , iyadoo guddi hoosaadyo u saarayaan , isla markaana intii ganacsi isku nooc ahi wadaagto gudiyo hoosaad ah,kadibna uu ku jiro xayndaabka kii guud ee ay wadaagayeen.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa xil ka saarnaa Maamulka iyo Qaab Ganacsi ee Wadanka gudihiisa iyo dibediisaba , Sida soo dajinta, ilaalinta qaabka ganacsi ee dalka ee dhoofinta iyo keenistaba ,iyadoo ay waajib ku ahayd inay samayso shuruudihii lagu maamuli lahaa Ruqsadaha keenista,dhoofinta, iyo Iibka Jumlada iyo tafaariiqdaba.

Iyadoo Xiligii uu Wasiirka Ganacsiga ahaa Maxamed Xaashi Cilmi ka ansixiyay Golayaasha Qaranka Xeer , ujeedadiisuna ay ku qotantay in la nidaam Ganacsi loo helo oo aanu isdul fuul noqon ama hadaan si kale u dhigno si habeysan loo hago Ganacsatada Somaliland noockasta oo loo kala qaybiyo baahiyaha Ganacsi ee Somaliland, oo ay awooda tamartooda hayneed ay ku kala hawlgalaan

Waxaa iyadana Wasaarada Ganacsigu xil ka saarnaa inay daba-gal ku samayso Gobolada iyo degmooyinka nidaamka ruqsadaha in la ilaaliyo si ay u helaan dhaqdhaqaaqa Ganacsi soo galaya Wadanka iyo ka baxaba , waxaanay suurtagelin lahayd in arrintaasi ay kobac u sameyso Ganacsiga oo ay Xukuumada Somaliland ku ogaan lahayd Macluumaadka iyo xadiga khayraadka dalkeena iyo weliba Xadiga aynu uga baahanahay Wadanka dibadiisa .

Waxaana jiray haba yaratee in Xukuumadihii gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga wax ay ka qabatay arrimahaa aan kor ku soo sheegnay ee ganacsiga dalka khuseeya oo gebi ahaanba aanu jirin oo ay ku fashilantay hawshii ay u xilsaarnayd .

Arimahaa aan ka sheekeynay ee dhamaantood ku saabsan arimaha Ganacsiga Somaliland waxaa sababay ama ay hoos imanayaan oo ay ka fulayaan nidaam xumadii Ganacsi ee xukuumadihii Somaliland iyo wasaaraddeeda Ganacsiga oon awood u lahayn inay maamusho ama isu dubo rido iskuna dudo hawlaha ganacsi ee dalka ,Siyaasada ganacsiga  waxay ahayd in ay ka ilaaliso wixii horumarka dalka wax u dhimaya.

Muddadii ay jirtey Somaliland , waxaa qasmay ganacsigii dalka , oo waqtigii xukuumadani la wareegtay marayay heerkii ugu hooseeyey, ka dib markii ay ganacsatadu wayday wax la xisaabtama ama u qorsheeya habka ganacsiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha.

Habkan Ganacsiga Somaliland waxay geynsiisay Jahawreer in la kala garan waayo, ganacsatada waaweyn iyo jeeblayaasha, bakhaaradda waaweyn iyo dukaamadda yar yar, isagoo uu caadi noqday in Ganacsatada Waaweyn iyo bakhaaraddu aanay cidna waxba iskaga tirin maamul iyo sharci ay ka baqaana aanu jirin qiimaha ay rabaan ay ku iibinkaraan maalinwalba ,kuna tacadiyaan dukaamadda yar yar, iyo jeeblayaasha soo koraya,dhibaatadoodana loo adkaysan kari-waayo,iyadoo aad arkayso bakhaarkii oo iibinaya daasad Caano-boodhe ah ama beer sandal ah, taas oo dhib ku ah dukaamadda soo koraya. Waxay gaadheen inay iibiyaan Shan killo oo sonkor ah sidaa darteed aanay xukuumaddihii hore dan ka lahayn, in ay wax ka qabtaan khal-khalka ganacsiga iyo ku tacadiga dan-yarta.

Hadaba Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-geshiga S/land ayaa soo saartay sharci lagu kala xadeynaaya ganacsiga Somaliland sida u warbaahintu ka soo xigatey wasiirku-xigeenka Ganacsiga iyo maalgashiga Md, Bashiir Cabdi Xariir,oo isagu xusay in sharciga cusub u kala saaraayo ganacsatada Somaliland 4qaybood.

.Ganacsiga soo dega oo loo kala xadeeyey afar qaybood

1.    Soo Dejiye , .2. Jumladleh, iyo weliba 3. Tafaariiqleh iyo qaybta 4, aad soo hadhay oo ah ganacsadaha dhoofiyaha ah oo isagana aan loo ogolayn inuu ku dhex milmo ganacsiga kale.

Sharcigan ayaa haddii sida loogu talo-galay uu u dhaqan-galo . waxaa meesha ka saarayaa dhibaatooyinkii ugu lixaadka lahaa ee ku habsaday ganacsiga S/land oo si weyn u furfurmaaya dad badan oo S/land ay faaido ka soo galeyso,waxaanay xukuumada Somaliland u noqonaysaa guul weyn oo ay soo hoysay sharcigaasi kala-xadeynta ganacsiga

    Iyadoo loo baahanyahay in sharcigani uu ciqaab culeys yeesho in ganacsade kasta loo ogolyahay hal licence oo keliya oo ninka soo dejiyaha ayey dhibta keliyi fadhidaa, sidaa daradeed  dadka kale jumladlaha iyo tafariiqlaha iyagu waxay u baahnayeen sharci ninkan xooga weyn ka qabta si faaido ay u helaan oo loo kala ceesho.

Ugu danbeyn:- Aniga aragtidayda haddii sharcigan kala xadeyntada ganacsiga uu sidiisa u hirgalo, isla-markaana uu noqdo mid ka turjumaaya danaha iyo ujeedadii loo dejiyey, waxuu horseedi doonaa horumar dhaqaale.

Waxaa iyadu markasta dhacda in hoos u dhacaha  dhaqaalaha adduunku saamayn xooggan ku yeesho guud ahaan ganacsiyada Somaliland , haddana, saamayn gaar ah ayuu ku yeeshaa ganacsiyadeena, caalamka kale ganacsatada kale ,waxay helaan damqasho, gacan-qabasho iyo garab-istaag aan hagrasho lahayn oo isugu jirta mid dhaqaale, talo bixin iyo fududayn nidaamyadii sharci dejin iyo maammul ee waddammadaas,

Haddii duruufahaasi yimadaan ,xukuumada waxaa looga baahanyahay Maadaama dakhliga soo gala maamulka Soomaliland wax ka badan 80% uu ka soo galo canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada (siiba canshuuraha ay ka qaadaan dekadaha), waxaa muhiim ah in ay fahmaan duruufaha qalafsan ee caalamiga ah ee soo wajahay ganacsatada. Waxaa muhiim ah in xukuumadu debecsanaan fara badan u muujiso ganacsatada, isbeddel la taaban karona ku sameeyaan nidaamkooda canshuureed. Si loo dhiirigeliyo ganacsiga, looguna tudho dadka hoos u dhacu ku yimid heerkooda dhaqaale.

Waxaa muhiim ah markasta in canshuur dhaaf ama canshuur dhimis loo sameeyo ganacsatada qaarkood, siiba kuwa ka shaqeeya waxyaabaha baahida weyn loo qabo sida raashinka, daawooyinka, waxbarashada ,shidaalka iyo adeegyada bulshada, si dadka ay qiimo ay jari-karaan u helaan.

Waxaana shacbiga Somaliland rajeynayaan in Xukuumadani u keento in la horumariyo Ganacsiga dalka oo u Yeesha Isbedel, Waxaa kale oo uu Ganacsiga dalku u baahan yahay, wada tashi, wax wada qabad iyo tusaaleyn, si Ganacsiga dalka ka socdaa uu noqdo mid wax tar u leh dadka iyo dalkaba, balse aanu keenin waxyeelo, oo Siyaasada Ganacsiga ay laga maarmaan u tahay in ganacsatadii horena qorshaha lagu daro, haddii ay noqoto la tashi, waxtar (etc), Si loo hanto Ganacsi waxtarleh horumarna leh oo la abuurto ururo ganacsi oo tayo leh, una faa’iideeya dadka iyo dalkaba.

Ganacsatada Somaliland waa in markasta ay il-naxariis ku eegaan dadkooda ,oo ay waxyaalaha daruuriga sida maciishada iyo alaabta kale ee uu dharku ka mid yahay dadka danyarta u jebiyaan, sida umaddaha muslinka ay qiimahooda u jebiyaan bulshada oo xiligan ku  guda-jita  waajibaadka bisha barakeysan ee ramadaan iyo u  diyaargarowga ciidul-Fidriga.

 

 

-Allaa Mahad Leh-

 

Aadan Yuusuf Cilmi , UK

daallo1970@hotmail.com

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Sidee-Loo-Soo-Dhaweeyey-Sharciga-Lagu-Kala-Xadeynaaya-Ganacsiga-Somaliland-%E2%80%93-Qalinkii-Aadan-Yuusuf-Cilmi.html#sthash.9IxxbtfB.dpuf