Siilaanyo Waa Lay Doortay Kuguma Filna, Dalku Bad Baadin Buu Rabaa
July 22, 2013 |
Published by: Hamse
Siilaanyo Waa Lay Doortay Kuguma Filna, Dalku Bad Baadin Buu Rabaa
Maanta oo bishu tahay Jul 20.2013 waxay ila tahay inaan wax ka qoro qodob aan rayi ahaan is leeyahay inaan laga aamusi karin iyada oo Maamulka Siilanyo u xuub siibatay tashwiish iyo propaganda in ay ku furaan himiladii ummada taas oo ah mid lagu khalkhal gelinayo rabitaankooda iyada ood arkayso odayaal caqligoodi guryahooda kaga yimi oo la soo hor fadhiisinayo shashadahii TVyda wax ay sheegayaana ay tahay ilaa inta loo soo laqimay ee ah dadka idin daawanayaa khalkhal iyo cabsi ku abuura iyo u sheega dadka in nimankaas (Golaha Wadatashiga ) i yihiin an “unelected dictator”. qas soo wada .
Se kuwa sidaa mooda waxnay wax badan ka ogahayn in dimuquriyadidu ku dhisan tahay rabitaanka shacba yihiina kuwa halkaa gaadhsiiyay gidaar iyo xayndaba ha u kala xidhnaado manta e.
Umad kastaa sideeda gaarka u ah ayay u beegsataa kacdoonkeeda ay ku cabirayaan xaalada duruuf ee jirta hanaan maamul kii donaba ha ka jiro dalka ha noqdo xisbi qudha ah, mid axsaabta badan ah ,mid iyo Iwm. Iyada oo welina tani u saamaxdo waxii dano gaar ah ka leh in ay faragelin iyo ku tagrifalba ku sameeyaan iyaga oo ka faaidaysanaya xalaadaha dalka ee markaa .
Waxaana taa inoogu filan dibad baxyadii iyo mudaharadadii ka dhacay Masar fagaaraha Tahriir ee lagu riday Hussini Mubaak iyo kacdoonkii danbe ee shacbaka ee Mursi lagu riday kaas oo hadii ay qiil tahay waa lay doortay ku yimi doorashadii qudha ee saxa ahayd ee Masar ka dhacada 6,000kun ee sano ee taariikhda Masar jirtay
Iyada oo meesha ka saartay raygii hore ee sife doorasho iyo doorashan ku imi inaan shacab ugu dulqaadanayn musuq iyo maamul xumo lagu hayo , jug wayna ku noqotay inta ku gasha ama ku diyaargaraysa doorasho halku dhigii laga dhaxlay Madaxwaynehii hore ee Congo Pascal Lissouba Siilaanyna si toos uga soo qaatay doorashadii dhawyd kaas oo ah “You don’t arrange elections if you’re going to lose them”. Af Somali ah Doorasho Ma diyaarisid hadaad ogthay in lagaa guulaysanayo taas oo nasiib ay uga yeesheen labdii Madaxwayne ee midna aasasay hanaanka axsaaabta badan midna ugu saamaxayba inuu ku wareejo.
Waxaa cad in labada shacab isku mid ah ahayn ku kala duwan yihiina sida ay isbedlkana ku dooneen aanan fili karina inaan samayno shacab ahaan siday u soo baxeen se waxaa cad in wax badan la wadaagno oo ah in ay ka wayeen hogaankii ay doorteen noqdeena kuwo isagu ban baxay ku talaxtag iyo cabudhin lagu baabinayo nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalku lahaa.
Golahan hargaysa lagaga dhawaaqay waa mid soo dedajinaya in dadka cabashadooda wax laga qabto ahna mid sharcigu u ogolyahay mar hadii dawladii talada haysay baabiisay oo meesha ka saartay codkii axsaabta mucaaradku lahyd wiiqdayna baarlamankii iyo guurtidii
Siilanyna markuu mucaaradka ahaa waaxaa lagu xasuustaa in uu ahaa mid dabinka ka furay waxkasta oo mucaararad horsed u ah ilaa uu ku wiifaqay haanakii wada shaqayn ee dawladii markaa jirtay la yeelan lahayd golayashii dalka iyo axsaabtii mucaaradka maantana kii maaha ka qaylin lahaa !!
Faarax Colow Maxamed
Academia
Oslo