SOMALILAND IYO SOOMAALIYA OO DHINACBA DHINACA KALE KU EEDEEYEY INUU JEBIYEY QODOBBADA HESHIISKII ANKARA

Salaanmedia/ Annaga Waxa Miiska Noo Saaran Oo Noo Kow ah In Madax-bannaanida Somaliland tahay mid aan mugdi la gelin Karin…” “Markaa, hawadayada annagaa leh UN iyo dawlado kale midna kala tashan mayno, cid aannu u daba-fadhiisanaynaan ma jirto….” Md. Baashe Maxamed Faarax

“Hadafkayga ugu weyni waa sidii Midnimadii loo heli lahaa………..Waxaannu haynaa iyada oo Fiidow ah, annagu Miiskaannu soo saaraynaa in Ergadii Ankara qaar ka mid ah (Somaliland) jabiyeen qodobkaas.”Afhayeen u hadlay Ergada Soomaaliya Xildhibaan Khaalid Cumar Cali

Istanbul ():- Guddiyadaland iyo Soomaaliya u metelaya wejiga afraad ee wadahadallada maanta Turkiga uga furmaya, ayaa dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey inuu jebiyey qodobbo ka mid ah heshiiska wadahadalkii kan ka horreeyey ee ay Somaliland iyo Soomaaliya ku gaadheen magaalada Ankara ee Turkiga.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo ka mid ah Ergada Somaliland uga qaybgalaysa wadahadalka iyo Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo isaguna ka xubin ka ah Ergada dhinaca Soomaaliya wadahalka u metelaya, ayaa dood ay kaga wada qayb-qaateen oo ay ku kulmisay Idaacadda VOA laanteeda Af-Soomaaliyagu shalay, waxay ku sheegeen qodobbada dhinac waliba sito ee lagaga wadahadli doono shirka maanta sida rasmiga ah ugaga furmaya Istanbul, waxaana dhiancba dhinaca kale ku eedeeyey inay inuu jebiyey qodobbada heshiiskii Ankara labada dhinac ku dhex-maray 13-ka bishii April ee sannadkan.

 

 

 

“Walaalahayaga Somaliland muddo 22 sanadood ayay ku dedaalayeen inay helaan gooni u goosasho madax-banaan, anaguna intaasi waxaanu lahayn walaalahayo nagama tagi kartaan waanu idiin baahanahay, aynu wada fadhiisano oo aynu wada shaqeyno midnimada umadda Soomaaliyeed, markaa hadafkayga ugu weyni waa sidii midnimadii loo heli lahaa.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ka mid ah Ergada Soomaaliya u metelaysa wadahadallada.

 

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isna ka mid ah Ergada Somaliland ee wadahadallada ka qayb-galaya, ayaa isuguna qaba aragti taasi aad uga fog oo la xidhiidha Madax-bannaanida Somaliland, waxaanu yidhi; “Annagu waxaannu doonaynaa in madax-bannaanida Somaliland ay tahay mid aan mugdi la gelin Karin, taasoo miiska wadahadalka saaran, marka la isku yimaaddana ajandaha laga wada-heshiiyo oo qolo waliba wixii ay wadato Gudddida hor-keento, dabadeedna laga wadahadlo ajandaha shirka. Annagana ajandahayagu wax qarsoon maaha ee Madax-bannaanida Somaliland ayaa kow noo ah.”

 

Waxaanu Md. Baashe intaa ku daray isaga oo sharraxaya kulan shalay dhex-maray Wufuuda dawladda Soomaaliya, kaasoo uu goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Turkiga. “Maanta (shalay) qolo walba waxay rabtay way sheegatay, annagu waxaanu sheeganay in qodobbadii hore Ankara loogu kala saxeexday uu Madaxwaynaha Soomaaliya Jabiyey qodobka 7-aad, Wasiirka ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi ayaana shirka hortiisa ka sheegay. Laakiin, taasi (kulanka) waxay iska ahayd furitaan, laakiin Berrito (maanta) ayuu shirku furmi doonaa oo ajandaha la samayn doonaa.”

 

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali, oo isna la weydiiyey waxa uu ka odhanayo qodobka Guddoomiye ku-xigeen Baashe sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya Jebiyey ayaa ku jawaabay dood ah inay hayaan caddayn ah in Somaliland jebisay qodobkaas, waxaanu yidhi; “Haddii la yidhaahdo dawladda ayaa qodobkaa jebisay, annaga waxay noo geysatay (Somaliland) waxaannu haynaa iyada oo Fiidow ah, waxaanuna annagu aannu Miiska soo saareynaa in ergadii qaar ka mid ah inay jabiyeen qodobkaas.” ayuu yidhi.

 

Waxaanu Xildhibaan Khaalid intaa ku daray in dad ka mid ah Ergadii Somaliland wadahadalkii Ankara uga qaybgalay ee heshiiska saxeexay ay jebiyeen, isla markaana ay xad-gudub badan oo lagu sameeyey heshiiskaas Ankara ka tirsanayaan, kuwaasoo uu xusay inay miiska soo saarayaan waxyaabaha ay ka cabanayaan oo maqal iyo muuqaal ahba.

 

Xildhibaanku waxa uu Somaliland ku eedeeyey inay jebisay qodob la xidhiidha dhinaca dhiirrigelinta gargaarka caalamiga ah iyo iskaashiga, marka loo eego duullimaadyada Qaramada Midoobay ee ay Somaliland joojisay 15-kii April ee sannadkan 2013. Hase-ahaatee, Baashe Maxamed Faarax oo su’aashaa la weydiiyey, ayaa ku jawaabay; “Arrinta duullimaadyada Hawo isugu kaaya jirtaa ma jirto, hawadayada annaaga xukunna cid kale oo xukuntaana ma jirto, qodob la jebiyeyna taasi maaha. Annaguna maannu jebin ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qodobbada heshiiskaa jebiyey.” Sidaa ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey inay Somaliland jebisay qodob ka mid ah qodobbadii heshiiska Ankara oo dhinaca Duullimaadka la xidhiidha.

 

Baashe oo uu Weriyuhu sii weydiiyey inay labada dhinac ku heshiiyeen heshiiskii Ankara qodobkiisa afraad oo sheegaya inay labada dhinac fududeeyaan joojinta kaalmada iyo horumarinta, markaa Somaliland waxay joojisay Hay’adihii caalamiga ahaa ee kaalmada waday (Qaramada Midoobay), ayaa ku jawaabay; “Waxa weeye Hawadayada annagaa iska leh, Soomaaliyana kala tashan mayno ee hawadayada annagaa xukunna, iyagaa hawadayada soo galay oo jebiyey, annagaa hawadayada iska leh ee cid aannu u daba-fadhiisanaynaana ma jirto, mucaawinada aannu joojinnayna annagay noo socotay ee iyaga (Soomaaliya) umay socon.”

 

“Waxa weeye, iyagaa qodobkaa jebiyey oo yidhi; ‘hawada Somaliland annagaa xukunna’ mana xukumaan, mana yeelayno, mid jebin ahna maaha ee waa hawadayadii. Markaa, hawadayada annagaa leh UN iyo dawlado kale midna kala tashan mayno, cid aannu u daba-fadhiisanaynaan ma jirto ee annagaa u xor ah, wixii imanayaana annaga ayey oggolaansho (ruqsad) naga qaadanayaan, markaa jebin maaha ee waxaannu xaq u leenahay weeye.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo xubin ka ah Guddiga wadahadallada u metalaysa Somaliland.

Salaanmedia.com

Xigasho Wargeeska.. Somaliland Today