Somaliland Oo Sheegtay Inay Awood Ciidan Kaga Hortagayso Haddii Ay Puntland Sanaaduuqda Doorasho Keento Sanaag

July 13,2013 Dhahar (SM) – Wasiirka Wasaarada kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) oo ka mid ah wefti xukuumaddu u dirtay bariga Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaq ciidan oo Maamul gobolleedka Puntland ka wadaan dhulkaasi.

Wasiirka kaluumaysiga oo ku sugan degmada Dhahar oo saaran xadka ay wadaagaan Puntland iyo Somaliland, ayaa xaqiijiyey dhaqdhaqaaqa ciidan ee Maleeshiyaadka Puntland ay dhulkaasi ka wadaan, kuwaasi oo doonaya inay dhulkaasi ka qabtaan doorashada golayaasha deegaanka oo 15-ka bishan Julay looga dareerayo gobollada maamulka Puntland.

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa xaqiijiyey dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira deegaanada bariga Sanaag, waxaanu in Puntland doonayso inay doorasho ka qabato bariga Sanaag, balse wuxuu tilmaamay in aanay taasi suurtogal ahayn “Waxa la sheegayaa in Puntland doonayso inay halkan (Bariga Sanaag) doorasho ka qabato” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “laakiin ka dhici maayaan”

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ee aagaasi ku sugan ay heegan ugu jiraan inaan Puntland doorasho ka qabanin dhulkaasi isla-markaana cid kasta oo ku soo xad-gudubto ciida Somaliland ay dhirbaaxo ku dhufan doonaan “Ciidanku heegan-buu ku jiraa, wax sanaaduuq ah oo la keenay ma jiraan, laakiin waa hadal hayn uun”

Wasiirka oo la waydiiyey waxa ay yeelayaan haddii Puntland isku daydo inay xoog deegaanadaasi doorasho uga qabato ayaa ku jawaabay “Anaga waajibaadkayagu wuxuu yahay in cid kasta oo isku dayda inay xadka ka soo gudubto oo ay keento sanaaduuqdaasi inaanu talaabo milatari ka qaadno, aniguna Dhahar ayaan ku suganahay”ayuu yidhi.

Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan bariga Sanaag, ayaa dhawaan gacanta ku dhigay sanaaduuq cod bixineed oo komiishanka doorashooyinka Puntland keeneen dhulkaasi.

Salaannedia- Hargeysa Office
Geeska