“Somaliland Wax Kale May Samaynin Xidigtii Cadayd Ayuunbay Madoobaysay” Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse.

(SM-Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ku bogaadiyay shacabka Somaalida Itoobiya horumarka ay gadheen, kadib markay aamineen degaankooda oo ay nabad ka dhigteen, sidoo kale wuxuu barbar dhigay Jamhuuriyadda Somaliland,  oo iyana dalkeeda u tashatay isla markaana iska ilowday Xidigtii cadayd. Sidaana wuxuu wasiirku ka sheegay xaflad ballaadhaan oo  shahadooyin lagu gudoonsiinaayay Kililka shanaad ee Itoobiya.

Waxaana hadaladiisi kamid ahaa, “Waxaan salaan idinka sidaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo waftigan ballaadhan idinsoo diray si ay idinkala qaybgalaan farxadan iyo ciida  aad ku dabaal degaysaan dalkiina idinkoo lulaaya calanka Itoobiya iyo calankiina dawlad degaanka Somaalida. Cidii degaankeeda aaminta sidaas ayay horumar u gaadhaysa, Jamhuuriyadda Somaliland wax kale maysamayn waxay iska ilowday xidigtii cadayd taas oo ay Somaliland madoobaysay, haddii layska ilaawo xidigtaa cad oo cidkastaa degaankeeda aaminto horumar way gaadhaysa.”.

Salaanmedia/Hargaysa