Taariikda wasiirka cusub ee Arimaha dibada jamhuuriyada somaliland mudane maxamed yonis bixii waxa uu yahay diblmaasiga ugu sareeya ee dunida afka somaliga ku hadasha. marka laga reebo cabdiraxman caabi farax. oo isagana mar loo magacaabay xogaha KU XIGEENKA guud ee qaramada midoobay. hadaba halkan ayaanu idiinkusoo gudbinaynaa taariikhdiisa oo oo kooban wasiirkan cusub ee arimaha dibada somaliland.
HADABA WAA KUMA MAXAMED YOONIS BIIXI?
maxamed yoonis biixi waxa uu kudhashay magaalada hargeysa sanadkii 1947, isaga oo kabilaabay dugsiga hoose dhexe ku bartay magaalada hargeysa, waxa uu dugsigiisa sarena kabaxay camuud. waxa kale oo uu sanadkii 1970 dhamaystay dugsigii tababarka macaliminta ee magaalada hargeysa. isaga oo qaatay shahaada loyaqaano [high diploma], maxamed yonis bixi waxa kale oo uu magaalada hargeysa kushaqeeyey macalinimo isaga oo kusugan magaalada hargeysa ayuu wax barasho kahelay wadankaasi maraykanka. jamacada caanka ah ee harvard university. halakasi oo uu kabilaabay, culuunta kala duwan ee jamacada lagu qaato isaga oo doortay inuu barto culuunta siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah.. maxamed yonis bixii waa aqoonyahay run ahaan dhisan dhaqaale ahaan iyo cilmi ahaan marka laga eegayo.
MAXUU KUSOO KORDHIN KARAA SOMALILAND?
waxaan aaminsanahay maxamed yonis biixi mar hadii uu kusoo biiray siyaasadi somaliland inuu wax badan kabadelaayo arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ee wasaarada arimaha dibada . waayo isaga oo aqoon uleh siyaaba loola macaamilo caalamka , marka laga eegayo xaga dhaqaaqa arimaha siyaasadaha ee wadamada reer galbeedka iyo maraykanaba inuu xidhiidh wacan laleeyahay, taasi oo iminka oo uu yahay wasiirka arimaha dibada ay ufududaynayso sidii uu caalamka ugu dhaadhicin lahaa qadiyada dawlada somaliland. waxan filayaa inuu sameyndono isbedal balaadhan oo wasaarada arimaha dibada ah. oo kusaab san sidii wasaarada ay horumar balaadhan ugaadhi lahayd. shacabaka somaliland aad iyo aad ayey usoo dhaweyeen wasiirka cusub ee wasaarada arimada dibada. maxamed yonis bixi intiisa badan noloshiisa waxa uu ku nolaa qurbaha . waxan rajaynayaa inshalah in uu wax badan qaban dono marka uu xilkaasi loomagacaabay lawareego. waxaynu wada sugaynaa dhamaanteenba waxa uu qaban doono wasiirkan cusub ee Arimaha dibada somaliland mudane maxamed yonis bixi,
ABDI BARUD [ CABDI XARAGO ]
BRISTOL UK,