Taariikada wasiirka Arimada dibada Somaliland Maxamed Yonis Biixi

MAQAAL

Taariikda    wasiirka    cusub   ee  Arimaha  dibada   jamhuuriyada  somaliland   mudane      maxamed   yonis  bixii  waxa    uu yahay  diblmaasiga  ugu  sareeya  ee  dunida     afka  somaliga  ku hadasha.   marka   laga  reebo     cabdiraxman   caabi farax.  oo isagana   mar  loo magacaabay   xogaha KU XIGEENKA  guud   ee  qaramada  midoobay.   hadaba    halkan  ayaanu  idiinkusoo   gudbinaynaa    taariikhdiisa  oo     oo kooban  wasiirkan   cusub  ee  arimaha  dibada  somaliland.

      
     HADABA   WAA  KUMA        MAXAMED   YOONIS   BIIXI?
   
     maxamed   yoonis      biixi  waxa   uu  kudhashay    magaalada   hargeysa   sanadkii  1947,     isaga  oo kabilaabay  dugsiga  hoose    dhexe  ku bartay  magaalada  hargeysa,  waxa   uu dugsigiisa  sarena     kabaxay    camuud.  waxa  kale  oo  uu  sanadkii  1970     dhamaystay      dugsigii  tababarka   macaliminta  ee  magaalada    hargeysa.  isaga  oo qaatay    shahaada  loyaqaano   [high diploma],          maxamed  yonis   bixi  waxa  kale   oo  uu magaalada   hargeysa    kushaqeeyey    macalinimo     isaga  oo kusugan magaalada   hargeysa  ayuu      wax barasho  kahelay    wadankaasi  maraykanka.     jamacada    caanka   ah  ee   harvard university.   halakasi   oo  uu  kabilaabay,  culuunta  kala duwan    ee  jamacada  lagu  qaato   isaga oo   doortay  inuu    barto    culuunta   siyaasada   iyo  xidhiidhka  caalamiga  ah..  maxamed   yonis    bixii    waa  aqoonyahay     run  ahaan  dhisan   dhaqaale  ahaan  iyo  cilmi  ahaan marka  laga  eegayo.
 
MAXUU  KUSOO    KORDHIN KARAA     SOMALILAND?
 
waxaan  aaminsanahay      maxamed   yonis biixi     mar  hadii uu kusoo biiray  siyaasadi  somaliland    inuu  wax  badan kabadelaayo   arimaha   dibada   iyo  xidhiidhka  caalamiga ee  wasaarada arimaha  dibada   .  waayo  isaga  oo  aqoon  uleh  siyaaba   loola macaamilo  caalamka ,     marka  laga eegayo  xaga    dhaqaaqa    arimaha  siyaasadaha  ee    wadamada  reer  galbeedka  iyo maraykanaba   inuu  xidhiidh   wacan  laleeyahay,   taasi oo   iminka  oo  uu  yahay wasiirka  arimaha  dibada    ay   ufududaynayso   sidii  uu  caalamka   ugu  dhaadhicin  lahaa    qadiyada    dawlada   somaliland.   waxan      filayaa   inuu sameyndono  isbedal  balaadhan  oo  wasaarada  arimaha  dibada ah.  oo kusaab san  sidii wasaarada  ay  horumar  balaadhan   ugaadhi lahayd.  shacabaka  somaliland    aad  iyo  aad  ayey  usoo dhaweyeen    wasiirka  cusub ee  wasaarada   arimada  dibada.  maxamed    yonis  bixi    intiisa  badan   noloshiisa  waxa  uu ku nolaa  qurbaha  .  waxan   rajaynayaa  inshalah  in  uu wax  badan qaban dono  marka  uu  xilkaasi    loomagacaabay  lawareego. waxaynu  wada   sugaynaa    dhamaanteenba  waxa  uu   qaban doono wasiirkan  cusub ee Arimaha  dibada  somaliland  mudane   maxamed  yonis  bixi,
  
                                          ABDI     BARUD         [ CABDI  XARAGO ]    
 
                                                                   BRISTOL    UK,