Telefishanka ka hir gala wadanka UK ee Chanel 4 ayaa shaaciyey in uu bisha Barakaysan ee Ramadaanta uu shanta wakhti ee salaada uu sii daynayo Eedaanka isagoo u joojinaya barnaamijyada ka socda sida ey Muslinku u ogadaan xiliyada Salaada.
Arintan ayaa imanaysa mar laga dareemayo wadamada Europe siiba wadanka UK xamaasad ka dhan ah diinta barakaysan ee Islaamka ka dib dilkii ka dhacay xaafada Woolwich ee koonfur-bari kaga taal magaalada London ee loo gaystay askari ka tirsanaa ciidanka UK. Taaso oo kaliftay ururada ka soo hor jeeda dadka soo hijrooday siiba Muslimka inay banaanbaxyo sameeyaan iyo falal dambiyeedka Muslimka loo gaysto oo sii korodhay.
Arintan ayaa noqonaysa mid dood badan keeni karta inkasta oo Muslimku janalo u gaar ah leeyahay oo sii daaya eedaanka xiliga shanta salaadood ay soo galaan sanadkoo dhan.
SalaanMedia
London, UK