(SM-Hargaysa)Warbixin uu diyaariyay ururka GSMA, oo ah urur ay ku bahoobeen shirkadaha ka shaqeeya shabakadda isku xidhka mobiladda ayaa si qoto dheer uga hadashay hirgelintii, hababka uu ku guulaystay iyo isticmaalka adeeg ZAAd ee shirkadda TELESOM. Warbixinta waxa lagu xusay in Shirkadda TELESOM ay tahay hogaamiyaha shirkadaha isku xidhka shababkada mobilka Somaliland, una adeegto macaamiil lagu qiyaasay hal milyan oo macmiil, oo u dhiganta 85% suuqa adeega mobilka Somaliland.
Â