Tuug baad tahay oo xoolihii umaddaad xaddee ka jawaab, Golayaashii qarankaad kufsatee……….” Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne.

DSC04794

Hargeysa 22-7-2013(SM)Golaha Wadatashiga iyo toosinta qaranka oo markale cambaareeyey Xukummadda Axmed siilaanyo, sharcinimadoodana difaacay

Golaha Toosinta iyo wadatashiga Qaranka Somaliland, ayaa maanta markale shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa Eedo kul-kulul ugu soo jeediyey xukuumadda Somaliland, iyagoo si toos ah u sheegay inay xukuumaddani musuqmaasuq barriinsaday xukukuumadda iyo cabudhin cago-juglayn wadata oo ay kula kacayso cid kasta oo  dhaliisheeda u sheegta.

Mujaahid Ibraahim Xuseen Dhego-weyne oo ah hormoodka Golahan, ayaa tilmaamay inay xukuumaddu  shacabka ku mashquulinayso kaliya magaca golahan cusub oo ay ka meermeerayso inay ka jawaabto eedaha muuqda ee ay Golahani badka keeneen, Mujaahidka oo ugu horrayn hlkkaa ka hadlay ayaa yidhi, “xukuumaddu magac ayey ku meeraysanaysaa oo leedahay Golaha isku magacaabay, waar waxaasi idinka socon maayaane Eedaanu idiin soo jeedinaye ka jawaaba, Golahani waxa uu u taagan yahay hiilka umadda mid xidhmaamayana maaha, waxanu doonaynaa inay ka jawaabaan wixii aanu warbaahinta ugu sheegnay,”

Sidoo kale waxa uu mujaahid ibraahim dhego  si gaar ah  u eedeeyey madaxweyne siilaanyo oo uu ku tilmaamay nin xoolaha umadda si gaar ah u isticmaala oo caddaaladii madaxa ku duubtay una horseeday inay gaadho heer ay baaba’do, isagoo si gaar ahna u xusay kiiskii wargeyska Hubaal oo la sheegay inay maxkamadu sii dayntiisa madaxaweynaha iskaga riixday, waxana uu yidhi, “Tuug baad tahay oo xoolihii umaddaad xaddee ka jawaab dee annagaa soo caddaynanee iyadooo qoraal ahe, waxanu ku nidhi     Golayaashi waddankaad kufsatay oo sharciyaddii baad ku tumatay, maxkamadi ma jirto, saxaafaddii baad cabudhisay, waar nooga jawaab oo waxad tidhaahdaa maan cabudhin, waxan shalay maqlay maxkamadu mudadii bisha ahayd ee jariirada hubaal ku xukuntay waa ay dhamaatay markii maxkamadda la tegayna waxa ay tidhi isagoo soo daaya mooyaane jariiraddii ma shaqayn karto, waar dadkan kharash baa ku socda oo wariyayaal bay leeyihiin ilaa intay dumayso waan haynayaa weeye, taasna cid xaq u lihi ma jirto”

Waxa kale oo uu mujaahid dhegoweyne oo  Golahan ka tirsani tilmaamay, inuu madaxweynuhu baabi’iyey dastuurkii dalka, golayaashii qarankana ka dhigay kuwo muddo dhaafay, isagoo meesha ka saaray inaanay jirin sabab muuqata  oo dib loogu dhigo doorashooyinka Golayaasha, “Distoorkii baad baabi’isay Golayaashii qarankaad baabi’isay, dee ka jawaab mid walibana wuu waqti  dhaafay oo sharci maahaa,  mar haddii maxmadii baaba’aa tahay labadii golena waqtigii ka dhacay, isaga kaliyi sharci ma noqon karo,  Doorasho ma qaban karo ayaad tidhi, waar afartii xaaladood ooo dib loogu dhigi lahaa ma jiraan, aafada qaranka adigu rid oo dagaal dir dee.”

Waxa kale oo uu Dhegoweyne sheegay inaanay xukuumaddu  isku habsaamin magaca golaha isagoo tilmaamay inuu hayo magacyo ka xunxun  oo uu madaxweynuhu xilligii siyaad barre la baxay, waxana uu yidhi, “hwaxanu ku leenahay waxyaabaha ina horyaalaa waa kuwaase ka jawaab magag yar dadka haku habsaamini, magac yari qiimo ma leh magacyo ka xunxun oo aad wadataabaanu soo bandhigi doonaa oo kuwii           Maxamed siyaad barre ah,”

Ugu dambayntii waxa uu ibraahim dhego weyne xusay inuu dalku galay marxalada adag oo u baahan in la badbaadiyo, waxana uu yidhi, “waddankani waa afduuban yahay, waxa badda la isugu guray mustaqbal madow weeye,       Burco waad aragtaayo markii ugu horraysay ayey laba daamood noqotay waana magaaladaadii kubaddii bay ciyaari kari la’dahay, magaaladaadii baa sidaas ahe ma Seemaal baad wax ka qaban karaysaa ama Buuhoodle”

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno miisaan leh oo ka tirsan Golahan cusub oo ay ka mid yihiin       Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Guure,  Xildhibaan Maxamed cismaan Bulqaas oo dhamaantood xusay in la joogo xilli laga tashado xaaladda adag waddanku marayo, waxana ay ku dheeraadeen  sida ay waajibka u tahay inay xukuumaddu dhegaha u furto dhaliilaheeda.

Salaanmedia/Hargaysa