Ururka Suxuufiyiinta aan Xadka Laheyn oo dhaleeceeyay Xeerka Cusub ee Saxaafada Soomaaliya,Baaqna u diray Baarlamaanka July 18, 2013 | Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay | Posted by: Webmaster New York July 18,2013(SDN)-Ururka u dooda xuquuqaha Suxuufiyiinta ee Reporters Without Borders ayaa ka hadlay oo dhaleeceeyay xeerka cusub ee saxaafada Soomaaliya. Suxuufiyiinta aan xadka laheyn ayaa sheegay in xeerkani lidi ku yahay xoriyatu qowlka iyo in uu ku khasbayo Wariyeyaasha in ay iyagu afka isqaabtaan. Xeerka Warbaahinta oo ay dhawaan ansixiyeen Gollaha Wasiirada ayaa loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga doodo. RWB ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqday in aaney ansixin xeerkan oo ay sheegeen in ay maxkamadaha awood u siinayo in ay ku khasbaan saxaafada in ay shaaciyaan cida ilo wareedyadoodu yihiin. Suxuufiyiinta aan xadka laheyn ayaa sidoo kale sheegay in xaarkan cusub ee Warbaahintu aanu si cad u qeexeyn waxa la oran karo waa xadgudub. “Ansixinta Xerkan Xukuumadu waxa ay muujisay sida ay kidiga ugu tahay Xoriyada Saxaafada,iyada oo haatan Soomaaliya tahay dalka ugu khatarsan ee Suxufi lagu noqdo ayaa xeerkani gebi ahaanba aamusin doonaa Warbaahinta” ayaa lagu yiri qoraalka Suxuufiyiinta aan xadka laheyn. Xeerkan ayaa ay ururada Suxuufiyiinta iyo weriyeyaashu isku si ugu arkeen in

image

Ururka Suxuufiyiinta aan Xadka Laheyn oo dhaleeceeyay Xeerka Cusub ee Saxaafada Soomaaliya,Baaqna u diray Baarlamaanka

July 18, 2013 | Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay | Posted by:

New York July 18,2013(SM)-Ururka u dooda xuquuqaha Suxuufiyiinta ee Reporters Without Borders ayaa ka hadlay oo dhaleeceeyay xeerka cusub ee saxaafada Soomaaliya.

Suxuufiyiinta aan xadka laheyn ayaa sheegay in xeerkani lidi ku yahay xoriyatu qowlka iyo in uu ku khasbayo Wariyeyaasha in ay iyagu afka isqaabtaan.

Xeerka Warbaahinta oo ay dhawaan ansixiyeen Gollaha Wasiirada ayaa loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga doodo.

RWB ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqday in aaney ansixin xeerkan oo ay sheegeen in ay maxkamadaha awood u siinayo in ay ku khasbaan saxaafada in ay shaaciyaan cida ilo wareedyadoodu yihiin.

Suxuufiyiinta aan xadka laheyn ayaa sidoo kale sheegay in xaarkan cusub ee Warbaahintu aanu si cad u qeexeyn waxa la oran karo waa xadgudub.

“Ansixinta Xerkan Xukuumadu waxa ay muujisay sida ay kidiga ugu tahay Xoriyada Saxaafada,iyada oo haatan Soomaaliya tahay dalka ugu khatarsan ee Suxufi lagu noqdo ayaa xeerkani gebi ahaanba aamusin doonaa Warbaahinta” ayaa lagu yiri qoraalka Suxuufiyiinta aan xadka laheyn.

Xeerkan ayaa ay ururada Suxuufiyiinta iyo weriyeyaashu isku si ugu arkeen in xeerkani yahay mid lidi ku ah madaxbanaanida Warbaahinta.

SDN-New York

info@salaanmedia.com