WAA MAXAY SABABTA KA DANBEYSA IN QURBA JOOGA LAGU QAABILO-CASHO SHARAF IYO CASUMAAD-LACAGTA LAGA SOO URURIYO CANSHUURTA HOOYOOYINKA BACADKA-WAX KU IIBINAYA?

Somaliland dhamaan Salaan-Xalay ayey ahyd xili aan Gurigeyga soo galay kadibna aan furey warbaahinta-ugana sii gudbey Ardaaga warka degdega ah laga helo waa Facebook,ishayda aya waxay qabatey Sawiro-badan iyo si aan u soo ogaado Sawiradan aad moodid Aroos in la isugu yimi ayan u sii dhuun galay siina akhriyey.

 
Fajac ayey igu noqtey iyo amakaag-Xaflada Maamuuska Qurba jooga-markiiba madaxayga waxa galay waa maxay sababta ka danbeysa filimkan Qurba jooga lagu casumayo-danta ay Dawladu ka leedahay ama ku qabto waa maxay-Qurba joogu ma wadan shisheeye ayey tageen mise wadankoodii Hooyo? miyey ka mudan yihiin Dadka wadanka jooga? badankooduna in ay galan Hoteelada casrigaa ee Hargeysa iska daaye aanay u soo dhawaan karin.
 
Waxaas oo dhan waxa iiga sii daran,dhalinyarada wadanka xiligan jooga,badankooduna hiigsanaya in ay soo galaan Yurub -Qarada America ama qurbaha meeshu doonaba ha ka ahade,bal si ay iyaguna mar uun dib ugu noqdaan Hargeysa xili ay doontaba ha ahate-Guryana dhistaan,bil wax ka yar la deganaado,xiliga fasaxana ay isla dhacaan-Macmacaanka-Bariiska-Hilibka-Sanbuusaha Hotel Hargeysa.
 
Dawladu kamay fakirin xanuunka ay leedahay,Casho soo dhaweynta Qurba jooga- iyagu markii horeba waxooga ladna lacagna sita,miyaanay Dawladu markaas,dhalintii Saxaraga Liibiya iyo Badaha ku dhamadey ku sii dhiiri galin in ay wadankooda isaga baxan?
 
Qurba joogu haday wadaniyiin run ah yihiin Bishaas ay joogan waxa haboon in ay wadooyinka Hargeysa xaadhan,hab taba ruca xafiisyada iyo Hosbitaalada ay wakhtigooda ku taba rucaan hab bilash ah,Magaladu hada waa isku raran,wax haba yarate Jardiino ah malaha,arimaha sidaas ah in ay wax ka qabtaan ayey ahyd Qurba joogu.
 
Waxan ka codsanaya Waalidka ku dhiban wadankii Caruurtoodana ka warwar qaba,in ay mar uun Saxaraga iyo Bada dhex jibaaxi waxan leeyahay Dulmiga diida,hana ugu horeyso,casumaadan lagu niyad jabiyey Caruurtiina Aduunka aynu ku noolnahay Hargeysa-Somaliland ayuunbaa jirta,wadan Dad dhaqale sita ugu dara casho iyo xaflad Hoteel-
 
waxan rajeynaya in Dad badan arinkan ka doodi doonan si loo joojiyo xafladan Qurba jooga,hadii xitaa laga maarmi waayo waa in ay iyagu Qurba joogu yeeshan Gudi uga hawl gala Hargeysa-lacagta casumadana ha isku dardaraan hana ku sameystaan xafladan ah na arkaay waxanu nahay reer Yurub-reer Canada reer America,laakiin dib u dhici mayso in Dawladu ku kharash gareen doonan lacagta canshuurta Hooyooyinka bacadka ku iibiya Khudaarta-Hilibka-maceeshadaha kala duwan ,laga soo qaado,dhici mayso hadii ay dhacdana waa xaflad xaaraan ah.
 
Dawladu ha casunto muwaadinada ku sugan Somaliland ee ka kala shaqeeya hawlaha kala duwan si iyaga niyada loogu dhiso si ay u sii xoojiyaan wadankaaga wax ka qabso sharaf iyo cisiba wadankaaga ayad ku leedahay,dhalintana ha loo abuuro shaqooyin,waliba xiligan laga hirgalin karo Xeebaha Somaliland.kheyr.
 
Kibirka waa lagu jabaa hadaan la iska qaban- Hargeysa iyo Somaliland waxa ku sugan caruur iyo ciroolayal iyagoo aan casheyn seexda.
 
Khan Maxamed Farax.
kjawil@hotmail.com
Vancouver