WAR BIXIN SIR AH:-Dowlada Soomaaliya oo Markii Ugu Hureysay Warqada Dacwad Ah Ka Gudbisay Ciidamada Kenya ee Xasuuqa Kawada Soomaaliya

WAR BIXIN SIR AH:-Dowlada Soomaaliya oo Markii Ugu Hureysay Warqada Dacwad Ah Ka Gudbisay Ciidamada Kenya ee Xasuuqa Kawada Soomaaliya

 

 

fowsiya-1Dowladda federaalka ah ee Somalia, ayaa ayada oo adeegsaneysa diblomaasiyadda waxa ay dacwad ka gudbisay ciidamada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo iyo taliyahooda.

Dacwadan ayaa waxaa warqad ahaan u gudbisay wasiirka  Arrimaha Dibada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka Soomaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji, oo ku saxiixan.
Waxaa qoraalka si kulul loogu cambaareeyey Taliyaha ciidamada AMISOM ee Sector 2 (Kenya) oo ay dowlada ku eedaysay inuu qeyb ka yahay xiisada ka taagan gobalada Jubooyinka.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan tahay Raysal wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada iyo Xiriirka Caalamiga Marwo Fowsiyo Xaaji Yusuf ayaa loo diray xarunta Midowga Afrika iyo tan IGAD.

Qoraalkan ayaa marka hore lagu bilaabay in dowlada Federaalka weli ku gudo jirto diyaarinta shirweyne looga hadlayo arrimaha Jubooyinka iyo sidii loo soo dhisi lahaa maamulka deegaanadaasi.

Balse Dowlada Federaalka ayaa ku sheegtay qoraalkan in ay ka xun tahay inuu hakad ku yimid guulihii ka dhanka ahaa Al Shabaab iyo dagaalkii lagula jiray, taasi oo fursad u siisay Al Shabaab inay ku mashquusho dagaalka u dhaxeeya hogaamiyaasha kooxdaasi ee ku sugan gobalada dhexe ee Sector 1 & 4.

Dowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM ee Sector 2 (Jubooyinka) inuu si toos ah uga horyimid dadaalkii Wasaarada Gaashaandhiga ee Federaalka ugu jirtay dib u habeynta ciidamada Dowlada ee dhulkaasi ku sugan. Isla markaana dhiiri geliyey inay sameysmaan kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda oo amniga
Dowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM ee Sector 2 (Brigadier General Anthony Ngere) inuu ku dhaqaaqay tilaabooyin xad gudub ah oo ay kamid yihiin:

1- Xarigii loo geystay kuxigeenka Abaanduulaha ciidamada Dowlada Federaalka Col.Cabaas Gurey.

2- In ciidamada AMISOM hub culus u adeegsadeen maleeshiyooyinka ku sugnaa Kismaayo iyo goobo dad shacab ah degen yihiin
Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu soo jeediyo 4 qodob oo codsi ka yimid dowlada oo ku socda Midowga Afrika oo kala ah:

1- In Kismaayo la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda AMISOM kuwaasi oo si toos ah uga amar qaadanaya taliska AMISOM ee Muqdisho.

2- In Baaritaan lagu sameeyo dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

3- In lasii daayo saraakiisha ka tirsan ciidamada dowlada ee AMISOM xirtay.

4- In lasoo magacaabo Saraakiil xafiidka Siyaasada ee AMISOM oo kasoo jeeda muwaadiniin aan u dhalan wadanka ciidamada AMISOM ee Sector 2 (Kenya).

Dowlada Federaalka ayaa qoraalkeedan sidoo kale ka muuqdaa inay xasaasiyad ka qabto saraakiisha kasoo jeeda dalka Kenya, walow aysan si toos ah afka ugu dhufan oo qodobka afaraadka ee codsiga dowlada lagu yiri (in lasoo xulo Saraakii AMISOM oo aan u dhalan Wadanka ay kasoo jeedan ciidamada AMISOM ee Sector 2) iyadoo aan si toos ah loo oron dalka Kenya.

(Hoos ka akhriso Qoraalka oo English ku qoran)