War Deg Deg Ah Ciidamo katirsan Dowlada iyo Ciidamo uu wato Sheekh Muqtaar Roobow oo ku heshiiyay in aysan dagaalamin

news

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xariir hooseed uu dhax maray Maamulka Dowlada ee Gobolka Bakool iyo Hogaamiye Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo kamid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab dhawaana ka baxsaday Magaalada Baraawe.

Col .Cali Salad Maxamed Axmed oo kamid ah Saraakiisha ugu sareeysa Ciidanka Dowlada ee kusugan Gobolka Bakool ayaa caawa shaaca ka qaaday in xariir hoose uu dhax maray dhinacooda iyo Hogaamiye Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ciidamo uu wato oo kusugan Deegaano katirsan Gobolka Bakool iminkana wadahadalo meel fiican u marayaan.

Sargaalkan katirsan Ciidanka Dowlada ayaa xusay in ay ku heshiiyeen Dhinacooda iyo dhanka Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur in aysan wax xabad ah isku ridin ayna iska kaashadaan la dagaalanka dhinaca Ciidamada daacada u ah amiirka Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr.

Col. Cali Siciid ayaa sidoo kale xusay in ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya Dhinaca Maamulka Dowlada ee Gobolka Bakool iyo Sheekh Muqtaar Roobow waxa uuna xusay in ay ku dadaalayaan in ay dhinaca Dowlada kusoo biiriyaan Abuu Mansuur iyo Ciidanka uu wato ayna arintooda hadii ay dhamaato gaarsiinayaan Madaxda Dowlada Soomaaliya.

‘’ Sheekh Muqtaar Roobow iyo Ciidankiisa Bakool deegaano kamid ah ayey joogaan waxaan ku heshiinay in aan dagaalamin iskana kaashano dagaalka looga horjeedo dhinaca Ciidamada Axmed Godane , xitaa waxaan ku heshiinay dhaawacyada labadeena dhinac in goobaha aan heesano lagu daweyn karo , hadana wadahadalo fiican ayaa noo socda waana soo dhaweeneynaa Sheekh Muqtaar ,Ayuu yiri Col .Cali Salad Maxamed Axmed

Hadalkan kasoo baxay Saraakiisha Dowlada ee Gobolka Bakool ayaa imaanaya xili Deegaano katirsan Gobolka Bakool ay ku sugan yihiin Ciidamo daacad u ah Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur Afhayeenkii hore ee Shabaab kuwaa oo ka baxsaday dhinaca Hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr oo baadi goob ugu jira hada Hogaamiyala katirsan Shabaab oo baxsad ah.

Salaanmedia/Hargaysa