War Deg Deg Ah: Shirkii Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Goor Dhaweyd Lasoo Gabo Gabeeyay, Somaliland Oo Qodob Muhiim U Ahaa Guul Ka Gaadhay.

(SM-Istanbul) Shirkii Wadahadalka ee dalka Turkiga uga socday labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa goor dhaweyd lasoo gaba gabeeyay. Shirkan oo Saddexdii maal mood ee ugu danbeeyay ka socday dalkaasi Turkiga, wuxuu ahaa mid jawigiisu adkaa, isla markaana dhawr jeer lagu siktay in lagu kala kaco,  hasayeeshe dawladda Turkigu ay si weyn uga odayeynaysay. Waxaanu waddan kasta ajandihiisa ka soo dhigtay qodobo xasaasi ah.

Markii shirkii soo dhammaaday ayaa Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan dalkaasi Turkigu ka akhriyay goobtii shirka, waxyaabha ay labada dhinac ku heshiiyeen. Iyadoo ay dhinacyada ka fadhiyaan labada Wasiir ee kala hoggaaminaayay labada wafti, kuwaas oo kala ah, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, iyo Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirkan laga gaadhay, ayaa ah mid Somaliland danwayni ugu jirto, kaas oo ah, in maamulidii hawada sare ee dalkii laysku odhanjiray Soomaaliya, ee ay ku wareejisay Qaramada Midoobay Soomaaliya,   in arrintaas wax laga badlay isla markaana ay labada waddan  qayb sanayaan  Maamulka iyo dhaqaalaha ka soo baxaba hawada. Iyadoo qaabka ay u wada maamulayaan isla markana u qaybsanayaan loo saaraayo guddo Mamusha, kuwaas oo xaruntoodu noqon doonto Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobkan oo siweyn laysula raftay markii laga doodayay ayaa akhirkii sidaas laysla meel dhigay, sidoo kale waxaa laysla gartay in wadahadaladu sii socdaan, isla markaana shir danbe laysugu yimaado 120 casho kadib isla dalka Turkiga. Qodobadii kale ee ajandaha u ahaa labada dhinac ee miiska lasoo dhigay ayaa iyaga dhammaantod laysla afgaran waayay.

Balse halkaas qodob ayaa nasiib u yeeshay in laysla meeldhigo. Iyadoo la odhankaro marka la eego siduu u yaalo, wuxuu qodobkani dan u yahay Jamhuuriyadda Somaliland, geesta kale waxaa si weyn u cadcadaa waftiga Somaliland ka socotay, kuwaas oo ay ka muuqanaysay, siday ugu adkayeen qodobadii ay miiska soo dhigeen oo ay ugu weynayd inay Soomaaliya aqoonsato in Somaliland ahayd dal hore iyagoo xor ah ugu biiray 1960, hadana dib xoriyadaas ula soo noqday.

.

Salaanmedia/Hargaysa/Office.