War Deg Dega: Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn,Isku Bedel Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimeyaasha Iyo Ha’yadaha Dawliga ah

 

War Deg Dega: Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn,Isku Bedel Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimeyaasha Iyo Ha’yadaha Dawliga ah

July 10, 2013 Hargeysa (SM) –  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa isku shaandheyn ku sameeyay Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo qaar ka mid ah Ha’yadaha madaxa banaan ee dawladda.

Madaxweyneynuhu wuxuu magacaabay Masuuliyiin cusub, kuwo kalena waxa uu u bedelay meelo kale, halka qaarna uu sheegay inuu xilalkii ka qaaday.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanay u dhignayd sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1890/072013 waxa uu isku bedel, xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Agaasimeyeesha guud ee Wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland. Iyo Maareeyeyaasha hay’adaha madax-banaan qaarka mid ah.

 

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyayaasha Hay’adda madaxa banaan

 

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.

 

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Maareeyayaasha Hay’adaha madax-banaan

SNo.

Magaca

Wasaaradda

1. Maxamed Xasan Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2. Maxamed Sh. Cumar Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
3. Faysal Cali Sheekh Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
4. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
5. Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
6. Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha
7. Maxamed Cali Aaden Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda
8. Abiib Axmed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka
9. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha
10. Maxamed Xuseen Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska
11. Xasan Cumar Hoori Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga
12. Maxamed Jibriil Aaden Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta
13. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
14. Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control)
15. Cabdi Cali Jaamac Xog-hayaha Guud ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC)
16. Eng. Ismaaciil Cabdilaahi Cabdi Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa
17. Fahmi Cabdi Bidaar Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga (NERAD)
18. Qaasim Xasan Mataan Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka

 

Beddel

SNo.

Magaca

New

Old

1. Maxamed Xasan Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Maamul Wanaaga
2. Faysal Cali Sheekh Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Agaasimaha Guud ee Hore eeWasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
3. Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka
4. Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha Agaasimaha Guud ee Hore eeWasaaradda Caafimaadka
5. Xasan Cumar Hoori Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga Agaasimaha Guud ee Hore eeWasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
6. Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control) Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta
7. Siciid Saleebaan Mire Xil Suge Gudoomiyaha Guddida hore ee Ilaalinta Tayada (Quality Control)

 

 

Xilalka laga nasiyey

SNo.

Magaca

Xilka

1. Maxamed Daahir Khayre Xog-hayihii Guud ee Hore ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC)
2. Cabdi Ibraahin Cabdilaahi Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
3. Mustafe Maxamed Qodax Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska
4. Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka 

 

5. Salaan Cabdi Cige 

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Comments are closed