WAR XASAASI AH: MA DHABAA IN KULAN BALAADHAN OO AFUR,CASHO IYO QAYILAADA AHI UU KA DHICI DOONA QASRIGA MADAXTOOYADA SOMALILAND CAAWA OO AY SI FOOL KA FOOLA U KULMI DOONAAN MADAXTOOYADDA IYO HALDOORKA BEESHA CIISE MUUSE

 

Hargeisa-(SM)-Xogo rasmiya oo Qarannews ka heshay ilo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa tibaaxaaya in Qoyska Madaxtooyada kulan afura,Casho iyo Qayilaada isku soo hor fadhiisan doonaan 16 xubnood oo ka mid ah hal-doorka Beesha Ciise Muuse.

calbersalacaleeSida xogaha Qarannews heshay sheegayaan 16-kaa xubnood ayaa ka kooban 10 xubnood oo metelaya gudiga Dan iyo Duco oo uu horgale u yahay Ganacsade Muuse Dalab,sadex xildhibaan oo ka tirsan golaha Guurtida iyo sadex xildhibaan oo ka tirsan Golaha wakiilada oo uu budhtuur u yahay xildhibaan Saciid Cilmi Rooble,wehelinayaana Xildhibaan Saciid Cartan iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo had iyo jeer dhaliilo Warbaahinta u mariya Madaxtooyada.

 

mama

Ka sakow xubnaha aan soo sheegnay waxaa iyaguna Madasha kulanka Caawa ee ay fooda isku dari doonaan Qoyska Madaxtooyada iyo Haldoorka Beesha Ciise Muuse xaadir ku noqon doona masuuliyiinta beesha kaga jira xukumada oo uu ugu tun weyn yahay Maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor-xoor ,Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdillahi Abokor,badhasaabka Saaxil Cali gadh-dheer,Maayarka Berbera C/shakur Cidin iyo xubno kale oo la filaayo inay madasha ka ag dhawadaan sida la taliyayaasha Madaxtooyada ee Beesha oo ilaa sadex xubnood ka kooban.

Dhegoweynemus

Waxaa xogaha Qarannews heshay intaas ku dareen in kulanka Qoyska Madaxtooyada iyo Hal-doorka Beeshu qorshaysnaa inuu qabsoomo shalay balse wax isdaba-mareen,yeelkeede shalay subax mar qaar ka mid ah odayaasha Dan iyo Duco iyo xildhibaano wadajiraa tageen Qasriga Madaxtooyada ayaa balan danbe iyo caawa Afurka laysla qaatey.

Sida xogaha Qarannews soo ururisay sheegayaan kulanka waxaa dalbaday ama Codsiga leh Qoyska Madaxtooyada inkastoo ay  dhawr balamood oo hore oo ay beesha goroda isgeliyeen dhayalsadeen ,balanqaadyo hore oo Qoyska Madaxtooyadu sameeyayna aanay waxba ka hirgelin haddana waxaa soo kordhay arimo degdeg ah oo looga maarmi waayey in Beesha lays hor fadhiisto.

Ku darsoo  waxay Xogaha Qarannews soo xigatey intaas raaciyeen in Qasdiga Qoyska Madaxtooyadu kulankan caawa ka leeyihiin daaran tahay tabtii iyo xeeladii loo wajahi lahaa Mujaahid Ibraahin Dhegaweyne oo Afhayeen u ah Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka oo dhawaan lagaga dhawaaqey Hargeysa balse Qoyska Madaxtooyadu iyo awoodaha ku xeerani sida Fiinta uga qayliyeen oo jiif iyo joogba xamili waayeen,nidarna ku galeen sidii ay Golahaa u burburi lahaayeen,siyaasiyiinta hormoodka ka ahna mandheera mushakalka ku siin lahaayeen iyadaan Deerana Deero hirdiyin.

Geesta kalena Odayaasha kulankan lagu martiqaadey ee Dan iyo Duco ayaa xoguhu tilmaamayaan inay guntiga ku haystaan cabasho iyo tabashooyin xoogan oo aan ka xusi karno Beesha oo manaasiibtii Qoyska Madaxtooyadu beryahanba hurgufayeen laga qadiyey,arimaha dhulka Berbera ee Madaxweyne siilanyo Digreeto ku soo saaray in masaafo dhan 15KM danguud loo aqoonsadey, dadkii dhulkaa lahaana duurka galaan,arinta Wershada Sibidhka Berbera oo sideedaba aan muran iyo qanjiidho waayin iyo arimo kale oo hoose (Local) oon hadda u baahnayn in la tafniido balse gadaal iska fasiri doona.

Isku soo wada duuboo kulankan caawa Qoyska Madaxtooyadu ka dalbadey Hal-doorka Beesha Ciise Muuse ayaa sababta ugu mihiimsan ee keentay  ilo xogogaal ahi Qarannews u xaqiijiyeen inay tahay Mujaahid Ibraahin Dhegaweyne iyo Golahan uu Afhayeenka u yahay ee saska laga qaaday oo la sheegay in beeshu taageero xagga niyada oo weyn durbaba u muujisey iyadoo guux iyo tabashooyin hore jireen,taas darteed ayaa sababtay kulankan caawa oo ah Afur,casho iyo Qayilaad isku bixisa maadaba dhanka kalena Beeshu xidid la tahay Madaxtooyada.

Xigasho Qarannews