WaranCade oo Safar ku Tagay Maanta Magaalada Berbera Kormeerayna Dekada iyo Saldhiga Ciidanka Marines ka.

warancade

 

Hargeysa/SM…Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cali Maxamed Warancade ayaa Maanta safar ku Tagay Magaalada Berbera Wasiirka ayaa Socdaalkiisa ku Weheliyaa Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Amniga C/lahi Abokor .

Wasiir Cali Warancade ayaa Markii uu Gaadhay Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera Booqday Goobo Kala Duwan oo ay Ka Mid Yihiin Dawlada Hoose ee Berbera , Dekeda ama Marsada Magaalada Berbera Saldhiga Ciidanka Badda ama Marines ka iyo Saldhigyada Booliska ee Berbera.

Socdaalka Wasiirka ayaa Noqonayaa Tan iyo Markii uu Xilka La Wareegay 29 June ee Bishii hore  safarkiisii u horeeyey ee uu ugu Baxo Gobolada..

Salaanmedia/Hargaysa