Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Beeniyay In Khilaaf ka dhaxeeyo Wasiirka Madaxtooyadda

 

Hargaysa (Sm):- Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga ee Somaliland Axmed X. Cali Cadami, ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan bilaabmayso qaybinta wejigii labaad ee derejada ciidamadu isla markaana ay hadda soo dhamaystireen xubnaha farsamo yaqaanada ah ee hawshaasi loo xilsaaray.

Axmed Xaaji Cali (Cadami), oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo jooga magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu beeniyay war uu wargeyska Haatuf cadadkiisii doraad soo baxay ka qoray xubnaha wasiiradda ah ee diyaarinta hawshaasi wada. Warkaasi oo wargeysku ku sheegay in wasiirka Gaashaan dhiga iyo wasiirka madaxtooyada oo ka mid ah xubnaha wasiiradda ah eek u hawlan diyaarinta arrintaasi in ay isku khilaafeen qaabka loo samaynayo derejooyinka.

Waxaanu wasiir Caddami sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay isaga iyo wasiirka madaaxtooyada iyo sidoo kale wasiiradda kale ee hawshaasi la wadaagaya isla markaana waxa keliya ee ay xubnahaasi wasiiradda ahi wadaan ay tahay qiimaynta iyo qorshaynta dhaqaalaha iyo sidoo kale sida ay ciidamada la siinayo derejadu u buuxinayaan shuruudaha iyo xeerarka u dejisan bixinta derejada ciidamada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga isaga oo ka hadlaya halka ay marayaan hawlaha diyaarinta derejooyinku waxa uu yidhi “Waxa aanu wadnaa derejadii ciidamada oo ay xubnihii guddida farsamayaqaanada ahaa ee loo xilsaaray ay soo dhamaystireen, xisaabaadkii oo maalmo yar qaadanaya ayaanu ku jirnaa, waanigii ku dhawaaqnay in marka ay bishan Ramadaan dhamaato ayaa lagu beegayaa, ma rabno in ay naga noqoto mid faalso ah, hadda ciidamadaii waa lagu maqan yahay, liisaskii ayaa loo geynayaa oo meesha ciidan joogaba waa lagu tolayaa derejada, anagu waxa aanu dejinaynay maamul lacageedkii la xidhiidhay derejada ciidamada halka u saraysa ilaa iyo askarta, maamulkaasina waxa lagu dhererinayaa miisaaniyadii dawlada ee sanadkii 2012, wixii ku talo gal la sameeyay ayaa la is waafajinayaa, farsamadaasi waxa ay ku jirtaa sixitaankii ugu danbeeyay qaar baa soo kordhaya ciidankii qaarbaa baxaya, derejadii bay la socotaa, wax badan oo is bedel ah ayaa yimaada.

Markaa imika hubintii u danbaysay ayaa la samaynayaa, mar hawshiiba albaabka isa soo taagtay oo dhawaaqiiba baxay, wixii raaci lahaa ee dhaqaale iyo xilliga uu bilaabmayo iyo nidaamkaa iyo ciidamada nimanka halkan noogu yimaadaa ee sida booliiska iyo asbaabta ayaanu balansanahay maca madaxweynaha in aanu isagu tagno oo uu markaa madaxweynuhu digreetadii soo saaro. wax la socda ayaa jira oo ah hawshii iyo derejooyinkii baxay mid walbaa miisaanka uu leeyahay, waxa uu ka bedelayo mushaharkiisii hore iyo waxa uu ku kordhinayo hawshaasi ayaanu hadda gacanta ku haynaa.”

Axmed Xaaji Cali (Cadami), oo faah-faahin ka bixinaya qaabka ay u wadaan qorshaha diyaarinta derejooyinka la siinayo ciidamada waxa uu yidhi “ninkii shuruudihiisa iyo xeerarka ka soo baxay oo laba alifle noqday ama kornayl noqday ayay wax u kordhayaan gunadii xilka ma aha ee waa gunadii derejada, dakhligii bisha ayayna raacaysaaye musharka way ka baxsan tahay, waa dhaxalkii derejada marka hawshaa balaadhan oo hareeraha laga fadhiyo ayaa socota, oo loola tegayo wasaaradda maaliyadda oo iyadna wixii ay ka rifayso iyo wixii miisaaniyadda ugu jiray ku talo galkii miisaaniayda in ay ka badanayso iyo in kale isku dheelitir noocaasi ah ayaa socda oo inla sheeg sheego iyo jarii’idka in aanu gelino midna aanaan ugu talo gelin ayaanu u fadhinay saraakiil milatariga ka tirsan ayaa nala joogay. waa arrimo iska sir ah, nimanka nala joogayna waxa ay ahaayeen jeneraalka milatariga haysta iyo jeneraalo kale oo masuuliyiin ah oo kuwii sameeyay qaabka ka mid ah, markaa cid noo timid iyo saxaafad aanu u yeedhanay midna ma jirin”.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland waxa kale oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warka uu wargeyska Haatuf ka qoray arrintaasi ee uu ku sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo wasiirka madaxtooyada oo qayb ka ah hawsha lagu diyaarinayo bixinta wejiga labaad ee derejada ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Waxaanu wasiirku sheegay in warka uu wargeyskaasi qoray uu wax u dhimayo sumacadiisii isla markaana aanay haboonayn in ay wargeysyadu qoraan war aan xaqiiq ahayn.“wargeyska Haatuf ayaa maanta (shalay) qoray oo yidhi sidii oo ay shirka noogu timid labada wasiir ee hawsha gacanta ku haya (isaga iyo wasiir xirsi) midna waxa uu lahaa mid danbe hala sameeyo, oo labadda wasiir midna hawsha khatar ayuu ka ahaa oo in wax loo kordhiyo askarta ayuu doonayay, midna wuu ka xanaaqsanaa oo ma rabin, waxaan la yaabaa saxaafadu wax aanay arag oo ay dad ka maqashay ama looga sheekayay markay jariiradooda ku qoraan sumcadoodii ayaa dhaawacmaysa, Haatuf waa jaraa’idada ugu waaweyn ee qadiimka ah, aniguna shakhsiyan aan tixgeliyo ayay ku jirtaa, markaa in ay talaabo noocaas oo kale ah oo xaqiijin la’aan ah qaadaan waxa ka qurux badnayd in ay na waydiiso,cid dagaalan tay iyo wasiiro isku dhacay midna ma jiraan, ee qadiyad iyo shaqadaa aanu wada wadno ayaanu meesha u wada tagnay. dawlada nin keliya oo meesha iska leh ma jiro aaraa ayaa la korodhsanayaa, fikrada madaxtooyada iyo doorka ay ka qaadnayso ayaa la korodhsanayaa, wasaaradda maaliyadda ayaa soo gelaysa hawshan, markaa hawshii aan anigu kelida ku ahaa ma aha tani” ayuu yidhi wasiir caddami.

Xigasho: WARGEYSKA DAWAN