Wasiirka Madaxtooyada Oo Culimada Dalka Ku Bogaadiyey Doorka Ay Ka Qaataan Wacyi-Galinta Aafada Qaran Ee Tahriibta

(SM:Hargaysa)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ku bogaadiyay culimadda dalka inay fahmeen inay doorkooda ka qaataan wacyi-gelinta lagu xakamaynayo aafada qaran ee tahriibka.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu caawa ku baahiyay mareegtiisa Internet-ka ee Guusha.com, waxaanu tafaasiil kaga bixiyay khudbad uu ka jeediyay shir lagafa hadlayay halka ay shareecadda Islaamku ka taagan tahay tahriibka oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

“Waxay ahayd Guriga Shaqaalaha Maanta mar aan ka qayb-galay Munaasabad ay soo agaasimeen ardayda wax ka barata Jaamacada Gollis qaybteeda Culuumta Shareecadda, sidoo kale waxaa ardayda wehelinayey culimadda wax ka dhiga Jaamacadda iyo Masaajidada dalka, waxay ahayd munaasabad dareen gaara ii lahayd maadama lagaga hadlayey Shareecada iyo halka ay ka taagan tahay Aafada Tahriibta ama Naftiisa oo qofku halaago isagoo is bidaya in nolol wanaagsan uu ka heli doono halka uu naf iyo maalba u hurayo,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay in dariiqada ka kaliya ee dhalinyarada lagaga wacyi-gelin karo tahriibku uu yahay iyadoo culimaddu u bayaamiso waxay diintu ka qabto tahriibka iyo biimadda nolosha la geliyo, waxaanu yidhi “Waxaan is leeyahay qofka Muslimka ah dhinac wax looga sheego waxaa ugu weyn dhinaca Diinta Islaamka ee uu Caqiido ahaan u aaminsan yahay, dhamaana culimadii ka hadashay waxay cadeeyeen in ay Dembi tahay in qofku naftiisa halaago ama uu Naxariista ALLE ka quusto, isna biddo in Dalkan arsaaq aanu ku helayn!, Sida Alle cadeeyey qofna adduunkan ka bixi maayo isaga oo aan arsaaqdiisa dhamaysan waa hubaal oo noloshu asbaab ayuu risuqu ku yimaadaa balse asbaabtu maaha ta dadka arsaaqda.”

“Dhalinyarada waxaan xasuusinayaa in asbaabta arsaaqddu ay ka mid tahay in qofku wax barto, waxbarshaduna maaha oo keliya in lacag lagu helo ee ugu horayn waa mid Alle lagu garto laguna Caabudo, iyo sidoo kale in dadka aan waxba baran looga faa’iideeyo,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ku dooday in aanay munaasib ahayn in gal-daloolo laga dhigo ardayda tahriibka ardayda wax baratay, isagoo arrintaasi iftiiminayayna wuxuu yidhi “Ma fiicna mana haboona in dhaliil iyo god-daloolo laga dhigo in ardaydii wax baratay ay yihiin kuwo ugu hor tahriibaya

 

,waa ceeb iyo cilmigii aad soo baratay oo aad meel kaga dhacayso haddii aad tidhaahdo maadaama aan wax soo bartay maxaan lacag iyo gaadhi u heli waayey!!! . waa nusqaan in dadka Aafada tahriibta uga faa’iidaysanaya jid khaldan ay ku micneeyaan in cilmiga iyo Jaamacadaha oo laga soo qalin jabiyo tahay masiibo sababi karta in qofku tahriibo.”

 

Salaanmedia/Hargaysa