Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Maanta Kulan La Qaatay Warbaahinta Mareegaha Internedka.

 

July 24,2013 Hargaysa(SM) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo warbaahinta Madaxbaan Gaar ahaa Websedyada ayaa maanta kulan is Xog-wareeysi ah ku yeeshay Xafiiska wasiirka ee magaalada hargeysa.

kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii ay labada dhinac isu siin lahaayeen kalsooni kal iyo laab ah oo la xidhiidha xagga wada shaqyanta iyo ilaalinta arrimaha heer qaran ee dalka waxa uu ka dambeeyey codsiga uu wasiirku ku soo dalbaday inay bahda website-yadu ugu yimaadaan xafiiskiisa si ay isula eegaan arrimaha xagga hoose ku qoran oo uu wasiirku ka dhawaajiyey.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen in ku dhaw dhawr iyo labaadan website- labada dhinac waxay halkaa ka soo jeediyeen hadalo la xidhiidha ajandaha kulankaas oo ahaa sidii ay warbaahinta Online-ku xukuumadda uu Mr Cukuse wasiirka ka yahay ugala shaqayn lahaayeen ilaalinta shuruucda iyo adkakaynta qaranimada Somaliland.

Mustafe Maxamed Cabdi [Janaale] oo ku hadlayey afka bahda website-yada oo madasha ka hadlay waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin bahd online-ku inay xukuumadda kala shaqeeyaan ilaalinta danta guud ee qaranimada Somaliland “wasiir waxaa halkan maanta fadhiya intii badnayd ee warbaahinta website-yada waxayna diyaar u yihiin inay xkuumadda kala shaqeeyaan ilaalinta danaha qaranimada Somaliland”Ayuu yidhi.

Sadaam Maxamed Axmed oo isugna madasha ka hadlay waxa uu tilmaamay sida uu muhiimka u yahay kulankan uu wasiirku ugu yeedhay bahda online-ka taasina ay dareen farxadeed u leedahay labada dhinac isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “maanta waxaan qabaa inay farxad weyn u tahay bahda online-ka wasiirkuna wuu ku madsan yahay”

Tafatiraha shabadda Baadiye.net Xadiis Maxamed Xadiis oo isaguna madasha kulanka laba geesoodka ah ka hadlay waxa uu sheegay in uu kulan kani labada dhinacba sharaf iyo karaamaba u leeyahay waxaanu Mr Baadiye xusay inay marka hore haboonaan lahayd inay xukuumaddu ka soo baxdo kaalinteeda masuuliyadeed ee ka saaran warbaahinta gaar ahaan bahda online-ka inay aqoosato miisaakooda ay leeyihiin kuna xisaab tanto xuquuqda ay ku leeyihiin ee xagga wax barashada xirfadeed ee la xidhiidha arrimaha warbaahinta,dhanka kalana Mr Baadiye waxa uu farta ku fiiqay dhaliila iyo habacsanaanta xagga xirfadaha ee ku gedaaman inta badan dhalinyarada ka hawlgala shabakadaha online-ka iyo sida ay ugu baahan yihiin inay helaan tababarro ay sare ugu qaadayaan aqoontooda warbaahinta la xidhiidha “waad dadalaalaysaan balse waxaa laydinka baahan yahay inaad sare u sii qaadaan dadlaakiina si Aad u gaadhaan darajada suxufuyiinta waaweyn ee caalamka laga yaqaano ay gaadheen oo kale” ayuu yidhi Xadiis Maxamed Xadiis tafatiraha shabakadda Baadiye.net

Intaa ka dib waxaa madasha kulnka laba geesoodka ah ka hadlay wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir [Cukuse] waxaanu ka waramay ujeedad kulanka uu warbaahinta ugu yeedhay waxaanu sheegay inay tahay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen iskuna dhaafsan lahaayeen waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ujeedadu waxay ahayd in ururkiinan loo sameeyo nidaam hadana waxaad moodaa inay wax isbadaleen oo idinka [website-yada] wararka laydinka qaato” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Cabdullaahi Maxamed Daahir [Cukuse]

Wargeysyadu waxay leeyihiin xafiisyo oo cashuurb ayey bixiyaan laakiin idinku malihidin xafiisyo iyo meel laydinku soo hagaago” ayuu intaa ku daray.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanay website-yadu lahayn dabin iyo sharci lagu xakamayn karo “hadda Kuwa isoo hor fadhiya waxaa la yaqaanaa uun wargeyska lakiin meel ka Fog halka warka uu gaadhsiiyo Wargeysku meel kaf ayuu gaadhsiiya Websedka Waaheen marka in lays barto aaya muhiim ah oo lawada shaqeeyo” ayuu yidhi Mr Cukuse.

“aduunka wadanka ugu fawdada badani waa Somaliya waxaanay idinka website-yo badan yihiin shan goor waanay idinka nidaam fiican yihiin oo xukuumadooda siday wax uga qoraan iyo teenu way kala duwan yihiin, maanta waxaan idiinku yeedhay inaynu wada shaqayno waayo TV yada iyo wargeysyada horey baanu iyaga ula soo kulanay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku sii daray “waxaanu rabnaa inaanu idinka ilaalino maalinkastaba waxaad ka cabataan askar idin xidhaysa” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland

Salaanmedia/ Hargaysa