Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur caraale Duur oo beeniyey Inuu Mogdisho tagay

wasiir duur

Dubai(SM)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (duur), ayaa Beeniyay warar lagu baahiyay Qaar kamid ah Warbaahinta kuwaas, oo lagu Sheegay in uu Joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,Maxamed Nuur Caraale(duur),oo hada ku sugan Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu Sheegay in aanu waligii ka tageyn dalka Somaliland ee uu ahaanayo nin Reer Somaliland ah hadii laga wada tago xataa.

“Somaliland waligay kama tagayo ilaa Qofka u dambeeyaa ka tago, meeshaan shaley madaxda ka ahaana waligay ka tagi maayo anigu”Sidaa waxa yidhi Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Duur.

Salaanmedia/hargaysa




Leave a Reply