Xaaji Cabdi Waraabe Oo Farriin Waayeel-Nimo Ah U Diray Masuuliyiin Isku Bahaystay Gole Sharci Daro Ah

(SM:Hargaysa)    Guddida joogta ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Xarunta aqalkooda, waxay tallooyin iyo waano ay ugu caqli celinayaan u jeediyay siyaasiyiinta ku dhawaaqay golaha sharci darrada ah ee loogu magac daray ‘Golaha Wadata tashiga iyo Toosinta Qaranka’.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi “Waxa aan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta ku dhawaaqay golahaasi in aanay ka nixin maatida iyo waayeelka aan ka mid ahay ee ku nool nabadii iyo midhihii halganka ee ay tacabka badan ku lahaayeen, dhawaaqooduna aanu u faa’iidayn qof si xun wax u doonaya oo dhibaato ku keena ummada iyo dalka. Waxaan u soo jeedinayaa inaanay nabad-gelyadda wax u dhimin iyo sumcadda qarankaba.”

Xaaji Cabdi Xuseen waxa uu kula dar-daarmay siyaasiyiintaasi haddii ay hayaan tabasho caqli gal ah ay soo fadhiistaan miiska wada hadalka, waxaanu yidhi “Haddii ay wax tabasho ah qabaan waa in ay u keenaan golayaasha baarlamaanka, abaal weyn ayay nimankaasi ku leeyihiin qaranka, magacna waa loogu hayaa, waxaan leeyahay adeerayaal midhihiinii ha tacab khasaarinina.”

 

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah, Cawil Xuseen, ayaa siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland u soo jeediyay in ay nabadgelyada ilaaliyaan cidii wax tabanaysaana ay u marto dariiqa sharciga ah.

Salaanmedia/Hargaysa