XISBIGA UCID OO CANBAAREEYEY XADHIGII XUKUMADU KULA KACDAY MADAXDA WARGAYSKA HUBAAL

Hargaysa(SM)Waxaanu Si adag U Canbaareyneynaa Xayiraadii Xunka Xadhiga Xabsiga Xadiga Lacagta

ah ee lagu Ganaaxey iyo Xeerla,aanta aan Loo marin Xadhigooda (Madani iyo Xeerka Saxaafada S/land )

Wargeyska Hubaal Waxaa ay imika Xayiraadi Saarneyd Mudo Dhan 21 cisho kaas oo aan isna loo marin Sifo Sharciya oo Ciidamadda Amaanka Iyo Ciidamadda Sida Gaarka Ah U tababaran Ee Ka hortaga Argagixisada Ee Loo Yaqaan RRU ay Qufulo Waaweyn Ku Xidheen

Hadaba Waxaa aanu Cod Dheer Ku Canbaareyneynaa Xukunka Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land

Waxaa Sidoo Kale Si Adag Aanu U Canbaareyneynaa

Falkii Foosha Xumaa Ee ahaa (isku Day Dil) ee Loogu Soo Dhacey Xarunta Wargeyska Hubaal isla markaana Waxyeelo (Dhaawac ) LooGu Geystey Hawlwadeenadii Wargeyska Hubaal, Oo aan iLaa imika Waxba Laga Qaban Oo aan Xataa Dacwad Lagu Soo Oogin Danbiilihii Danbiga Dilka Ah Gacanta Kula Jirey

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi