. Xoghayaha arimaha dibada ee dowladda Maraykanka ayaa shir gudoomin doona kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay ee dhamaadka bishan dhici doona.

. Xoghayaha arimaha dibada ee dowladda Maraykanka ayaa shir gudoomin doona kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay ee dhamaadka bishan dhici doona.

 

Safiirka Maraykanka ee xarunta Qaramada Midoobay Rosemary Di Carlo ayaa u sheegay wariyayaasha in kulan heer sare ah oo ay yeelanayaan saraakiisha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu dhici doono 25 bishan….

Xoghayaha arimaha dibada ee dowladda Maraykanka ayaa shir gudoomin doona kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay ee dhamaadka bishan dhici doona.

Shirkaasi Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loola golleeyahay sidii loogaga gun gaadhi lahaa dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in laga hirgaliyo dalka jamhuuriyada Afrikada dhexe.

Sii hayaha xafiiska safiirka Maraykanka ee xarunta Qaramada Midoobay Rosemary Di Carlo ayaa u sheegay wariyayaasha in kulan heer sare ah oo ay yeelanayaan saraakiisha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu dhici doono 25 bishan.

Wakiilka dalka Rwanda ee golaha Amaanka ayaa lagu marti galiyay inay uga hadlo Golaha Amaanka kulankaasi oo loogaga hadlayo xaalada wadanka Jamhuuriyada Afrikada dhexe

Horaantii bishii June ee ina dhaaftay ayaa Golaha Amaanka iyo madaxda Bankiga aduunka waxay ka qayb galeen kulankii Great Lakes ee loogaga hadlayay horumarinta gobolka iyadoo madaxa Bankiga aduunka uu shaaciyay 1 billion oo dolar in lagu maal galiyo dib u dhiska goobaha muhiim ka u ah waaxyada caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha.

Bishii February ee sanadkan ayaa madaxda 11 wadan oo ka tirsan wadamada gobolka waxay saxiixeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalada ka socda bariga dalka Congo kuwaasi oo samaayeeyay gobolka oo dhan.

Wadamadii saxiixay heshiiskaasi ayaa waxaa ku jiray Rwanda iyo Uganda kuwaasi oo labaduba lagu eedeeyay inay taageeerayeen mucaaradka bariga dalka Congo, in kastoo dowladdahasi ay beeniyeen.

Salaanmedia/Hargaysa