Shir si heer saraysa loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Golaha Sare ee Xisbiga Waddani UK, Madaxda Laamaha Gobolada, Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta Xisbiga ee heer Qaran iyo Xubno fir-fircoon oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Waddani ayaa ka dhacay xalayto oo bishu ahayd, 21 July 2013 hoolka shirarka ee hudheelka loo yaqaan Food Palace ee ku yaala Xaafada Acton ee Galbeedka Magaalada London. Shirkan oo muhiimadiisu ahayd:
1) Ku dhawaaqida iyo is-barashada Xubnaha Maamulka Golaha Sare ee Xisbiga Waddani Laantiisa UK. 2) Dar-dar gelinta hawlaha baaxada leh ee hor yaala Gudigan la doortay. iyo arimo kale oo badan.
#
Ugu horayn waxaa la magacaabay Gudi ka kooban Labaatan Xubnood oo noqon doona hawl-wadeenada ugu sareeya Xisbiga Waddani UK, iyadoo xubin walba loo magacaabay xil shaqeedkeeda, waa kuwan magacyada xubnahaasi iyo xilalka loo igmaday iyadoo sidoo kalena la isla qaatay in la qabto xafladii guud ee Xisbiga Laanta UK sida ugu dhakhsiyaha badan, si loo soo dhiso Gudigii Fulinta iyo Golihii dhexe ee UK, sidoo kalena lagu ansixiyo xubnahan xilalka loo igmaday.
Tiro
Magaca
Xilka
1.
Mud: Axmed Muxamed Ali (Naahi)
Gudoomiyaha UK
2.
Mud:Cabdirahman Cabdillahi Amiin
Gud/xigeenka 1aadUK
3.
Mud: Keenadiid Cabdillaahi Jaamac
Gud/xigeenka 2aadUK
4.
Mud: Sheekh Aniis Sh.Maxamed (Darwiish)
Gud/xigeenka 3aadUK
5.
Mud: Cabdalla Cali Muuse
Gud/xigeenka 4aadUK
6.
Mud: Mustafa Abdillahi Ali
Xoghayaha Guud UK
7.
Marwo: Faakhir Dahir Axmed
Khasnajiga Guud UK
8.
Mud:Qaasim Adan Saleeban
Afhayeenka UK
9.
Mud: Mubarak Hillaac Maxamed
Hanti dhowraha Guud UK
10.
Marwo:Nuura Axmed Naasir
Gud. Garabka Haweenka UK
11.
Mud: Samakaab Cumar Aadan
Gudoomiyaha Dhalinyarada UK
12.
Mud: Muxamed Muxamud Cilmi
Lataliyaha Gudomiyaha UK
13.
Mud: Axmed Jamac Xiirey
Gud. Gudidda Arimaha Bulshada&Samfalka UK
14.
Mud: Najiib Maxamud Cusman
Gud. Gudidda Siyaasadda UK
15.
Mud: Yusuf Abdillaahi Adan
Gud. Gudiga Dhaqaalaha UK
16.
Mud: Xassan Jamac Ciise
Gud. Maamuuska &Protokolka UK
17.
Mud: Mahdi Jama Rodol
Gud. Gudidda Saxaafadda UK
18.
Mud: Hassan Hussein Roble (Nabaado)
Gud. Gudidda Anshax marinta UK
19.
Muj: Cabdillahi Xassan Maxamud(Dhegawayne)
Gud. Guddiga Abaabulka UK
20.
Mud: Axmed Xasan
Xidhiidhiyaha Guud UK
Xubno badan oo goobta ka hadlay ayna ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha Laanta UK, Mudane Ahmed Ali Nahi, Gudoomiye ku xigeenada Mudane A/rahman Amiin iyo Mudane Keenadiid Jama, Xoghayaha Xisbiga UK Mudane Mustafe A/llahi, Gudoomiyaha Arimaha Khaaska ah ee Xisbiga Waddani heer Qaran Mudane Husein Asad, Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada S/land hadeerna ah Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer Qaran Mudane Mohamud Rage, Mudane Cabdalla Saleebaan Dafle oo ah Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani, Gudoomiyayaasha Xisbiga ee Laamaha Sheffield iyo Milton Keynes iyo weliba xubno kale oo aad u tiro badan, ayaa dhamaantood ka dhawaajiyey sida loogu baahan yahay in loo diyaar-garoobo Jid dheer oo Qodxan badan si loogu guulaysto himilada iyo qorshayaasha Xisbiga Waddani uu ku doonayo inuu Dalka iyo Dadka wax ugu qabto; qorshayaashaas oo ah kuwa uu Xisbiga Waddani ku mutaystay quluubta taageerayaasha ugu badan ee Gudaha Waddanka S/land iyo dhamaanba Waddamada Debadahaba, waxa guushaas lagu gaari karaana waa Isku-duubni, Dulqaad, Wadashaqayn iyo Dadaal ay la yimaadaan dhamaanba Hogaanka iyo Xubnaha Xisbigu gaar ahaana kuwa Laanta UK.
Shirkan oo ahaa mid xubnahani ku wada Afureen wakhti wanaagsana isla qaateen ayaa iyadoo laga faa’iidaysanayo bisha barakaysan ee Ramadaan xubnihii ka soo qaybgalayi u duceeyeen dhamaan Ummadda reer S/land iyo Shucuubta Islaamka ah ba. Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan, Is-afgarad iyo farxad iyadoo dhamaan xubnihii ka soo qaybgalayna muujiyeen siday diyaarka ugu yihiin dardargelinta hawlaha Xisbiga.