Xubno Ka Mida Aqoonyahanka Reer Somaliland Oo Taageeray Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka

July 29, 2013 Hargeysa(SM) – Qaar ka mid Aqoonhanka Reer Somaliland oo maanta si wada jira shir jarid ugu wada qabtay magalda hargeysa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Golaha wadatashiga iyo Toosinta qaranka oo dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa. waxa ay Aqoonyahankani sheegeen in hiil u yihiin 16-kii qodob ee Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranku xukukuumadda Siilaanyo ku xujeeyeen inay jawaab ka bixiso.

Axmed Sandoon oo Ugu horraysn ka hadlay shirkaa jiraa’id, ayaa sharraxay ujoodooda kulankan
“halkan waxanu isugu nimi anagoo ah qaar ka mid ah aqoonyahankii dalka oo is helay kuna qancay in dalku marayo marxalad adag oo dhinac walba ah, islamarkaana qawad badan ka muujinay Hay’adihii wax ka qaban lahaa ama ka hadli lahaa ka gaabiyeen, annagoo kulankan ku muujinayna Taageero Buuxdana ku barbar taaganahay Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee 16-ka qodob xukuumadda u soo jeediyey.” Ayuu yidhi Axmed Sandoon.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad oo ka tirsan xubnahan aqoonyahanka ah ee taageerada u muujiyey Golaha wadatashiga Somaliland, “muddo markaanu dersaynay waxa dalka ka socda waxanu annagoo aqoonyahankii dalka ah oo qurbo joog iyo Qolqoljoogba isu jira, aaminsanahay inay xukuumaddani ka leexatay majirihii loo doortay oo la gaadhay xilligii la taageeri lahaa inay xukuumaddu ka jawaabto waxa Golaha wada-tashiga oo ah rag miisan waddanka ku lihi ay badka soo dhigeen.”

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay aqoonyahano kale duwan oo ay ka mid ahaayeen prof. Axmed As-hari, Aqoonyahan Maxmed Yoonis Cubeed, Cabdikarin Baande, Axmed Odowaa Cigaal waxanay dhamaantood sheegen in ay ka dhiidhiyey waxa ay ugu yeedheen caddaalad darro dalka ka jirta iyo xukuumaddii oo sas ka qabta in dhaliisheeda loo sheego.
iyagoona xukumada ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u ga soo jawaabto 16 qodob ee ay u gudbiyeen golaha wada tashiga iyo toosintu

hadalka aqoonyaha ayaa ku soo beegmay malinuu kadib marki saladiinta dhex dhexaadinta ka dhex wada xukumada iyo golaha wadatashigu ay sheegen in ay labda dhinac iska ilaliyaan hadalada xanaftale

Salaanmedia/ Hargeysa Office