Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xukuumada Oo Sheegtay Inay Dib U Eegis Ku Samaynayso Xilli Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Qaabka Loo Wajahayo Tafaasiisha Ka Maqan Qodobkii Maamulka Hawada

news

Hargeysa(SM) July14, 2013-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay inay xukuumad ahaan diirad waynayso ah ku eegayaan qaabka loo wajahayo tafaasiisha badan ee ka maqan qodobkii 1-aad ee heshiiskii Istanbul ee Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia, kaas oo xusay in guddidii isku dhafka ahayd ee Somaliland iyo Somalia ay isla eegi doonaan erayada afgaradka ah ee loo isticmaali doono Marka Diyaaradaha la dajinayo iyo marka ay kicinanayaanba. Dr Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Haatuf ugu waramayey khadka telefoonka isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay mawqifka xukuumad ahaan ay ka taagan yihiin go’aanka uu Bangigi Ingiriiska ah ee Barclays Bank uu ku xidhayo Akawnadii ay Xawaaladaha Soomaalidu ku lahaayeen, kaas oo shaaca ka qaaday inuu saddex todobaad ka hor uu Warqad uu arintaas kaga hadlayo uu u diray Wasiirka Britain u qaabilsan Afrika, kaas oo dawladda Ingiriiska iyo Bangiga Barclays ka codsaday inay ka fiirsadaan go’aankaas. Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamed C/laahi Cumar Waraysigaas oo uu arimo badan kaga hadlaya ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya Heshiiskii saddexda qodob ahaa ee Somaliland iyo Somalia ay ku kala saxeexdeen Magaaladda Stanbul ee dalka Turkiga, waxa uu yidhi “Heshiiskii ay Somaliland iyo Somalia ay bishan 9-keedii ay ku kala saxeexdeen Magaaladda Stanbul ee dalka Turkiga oo ka koobnaa saddex qodob, waxa ugu mihiimsanaa qodobkii ka hadlayey Maamulka Hawadda, waxaanan u arkaa in qodobkaasi uu Somaliland iyo Somalia-ba uu u ogolaaday inay la soo noqdaan maamulkii labadooda hawo oo markii hore laga maamulayey Nairobi,iyada oo waliba  bari dhawayd si sharciga baalmarsan ay Qaramadda Midoobay ay dawlada Muqdisho ugu wareejisay hawadii Somaliland, run ahaantiina waa qodob labada wadan u ogolaanaya inay hawadooda si wada jir ah u maamushaan sida ka dhacda inta badan dalal badan oo Afrikaan ah oo hawadooda si wada jir ah u maamula. Markaa hadii aan si guud arintaas u qayaxo waxa aan u arkaa arinta maamulka hawadu inay Somaliland guul wax ku ool ah u noqon doonto Mustaqbalka dhaw Insha Allaahu”.

S: Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ee mar uu Muqdisho Shirjaraa’id ku qabtey ku sheegay in Heshiiskii Somaliland iyo Somalia ay ku gaadheen Stanbul ee uu ku sheegay in shirkaasi Somaliland ay ku qancinayeen si ay Midnimadda Somalia uga qaybqaataan, arinkaas maxaad ka odhan lahayd?

J: Hadalkaas Wasiirka ka soo yeedhay maaha arin sax ah, waana arin tacbiir iyo tafaasiil khalad ah ka bixinaysa nuxurka dhabta ah ee wada-hadaladii Stanbul, waxaana xaqiiq ah Somalia inaanay hadiyad ku bixinin arintan Maamulka Hawadda Somaliland iyo Somalia-ba aanu Hargeysa ka wada maamulno, waxaanay noqotay arintaasi mid ay meel ay ka marto wayday dawladda Somalia. Waxaanay Somaliland arintaasi u go’aansatey oo ay Caalamka u cadaynaysay inaanay ogolayn in hawadeeda diyaaradaha maraya aan laga maamulin meel ka baxsan, isla markaana markii ay guddidii shirka Somalia u matalaysay ay arkeen inaan xaqiiqada jirta meel ay ka maraan aanay jirin ay khasab ku noqotey inay go’aankayagii u dabcaan oo ay Tanaasul samayso dawladda Muqdisho. Laakiin waan ka xunahay in Wasiirkaasi uu yidhaahdo Somaliland ayaanu ku qancinaynay arintaasi, waxaanan u aragnaa hadalkaasi inuu waxyeeli karo heshiiskii Stanbul, isla markaana waxaanu ku baaqaynaa xukuumad ahaan inay Madaxda Somalia ka waantoobaan wixii wax u dhimaya wada-hadalada socda. Waxaanan markasta iyo meelkasta oo aanu joogno cadaynaynaa inaanay Madaxbanaanida Somaliland marnaba aanay gorgortan gali Karin oo ay tahay go’aan shacbi oo dunida iyo Somalia-ba aanay awood u lahayn inay wax ka badasho. Mida kale dabcan markii wada-hadaladii Stanbul socdeen qodobka ugu cuslaa ee dooda ugu badani ka taagnayd ee aanu miiska saarnay waxa uu ahaa qodobka Madaxbanaanidda Somaliland oo aan marnaba gorgortan laga gali Karin, isla markaana ay Somalia-na u wanaagsan tahay inay aqoonsato Somaliland iyo gooni isku taageeda.

S: Dabcan heshiiskii saddexda qodob ka koobnaa ee Stanbul qodobkii ugu Xasaasi-sanaa waxa uu ahaa qodobka 1-aad ee Maamulka Hawadda ee Xafiiskiisa Hargeysa laga furi doono, Xafiiskaas Caasimadda dalka ka hawlgali doona ma hawada Somalia ayaa laga xukumi doonaa mise hawada Somaliland?

J: Horta waxa mihiim ah in la ogaado inaanay Xaajo ugub ah ahayn in laba dal oo jaar ahi ay ka wada shaqeeyaan maamulka hawadooda oo dalal dhawr ah oo Afrikaan ah ayaa jira oo si wada jir ah hadooda meel laga wada maamula. Mida kale arintani maaha mid khasab ah oo si khasab ah ku timid oo ay ku qanacsan yihiin kuna heshiiyeen labada dhinacba, kuwaas oo ku heshiiyey in si wada jir ah hawadooda ay u wada Maamushaan iyada oo la wada ogyahay in markii horeba aanay Somaliland iyo Somalia toona aanay hawadooda maamuli jirin oo cid kale ay Nairobi ugu maamuli jirtay, arintaasina waxay meesha ka saartay inay Maamulka hawada ay Xamar kalideed  wada qaadato oo Muqdisho laga maamulo oo arinta ay qoladii Somalia iyo duniduba doonaysay taas ayey ahayd, isla markaana taas ayaanu gaashaanka ku dhufanay oo aanu dagaal ka galnay anaguna, markaa guddida labada geesood oo ah mid talo bixin ahi ay hawshaas ka wada hadlaan qaabka Maamulka iyo farsamada loo marayo qaabka loo qaybsanayo dhaqaalaha ka soo baxa diyaaradaha dusheena maraysa. Mida kale waxaan u cadaynayaa bulshadda Somaliland inaanay arintani wax aan faa’ido ahayn aanay ka dhaxli doonin, isla markaana maaha arin dhaawac u gaysanaysa Madaxbanaanida iyo Gooni isku taaga Somaliland, mana aha arintaasi mid ka turjumaysa in hawada Somalia ay iyadu muumulayso, waxaana muuqatay inay Somaliland kaga horayso dhigeeda Somalia farsamooyinka ay u baahan tahay in lagu maamulo hawada.

S: Sida Muuqata Heshiiskan wali waxa Ka dhiman tafaasiil badan, Yaa Madax u noqon doonase Guddidan isku dhafka ah ee labada dhinac, Erayada Afgaradka ah ee la isticmaalayaa maxay noqanayaan marka diyaaradda la dajinayo, Hawad la maamulayose Magaceed?

J: Arintaasi waa arin farsamo, arin siyaasad ahna maaha, waana arin ay ka soo talo bixin doonaan qaabka loo maamulayo guddida farsamo ee Somaliland iyo Somalia. Mana quruxbadna in wax walba siyaasiyiinteenu ay siyaasadeeyaan, run ahaantiina sida aan hore u sheegay maaha arin wax u dhimaysa ama dhaawacaysa Madaxbanaanida Somaliland, sida aan hore u soo sheegayna arintani maaha xaajo ugub ah oo waa arin ka dhacda inta badan Afrika in laba dal oo jaar ahi ay hawadooda meel ka wada maamulaan. Waxaanan arintaas kaga baxayaa waa mid guddida labada dhinac ay isla eegi doonto qaabka loo maamulayo iyo erayada Afgaradka ah ee la isticmaalayo waa mid laga wada hadli doono wakhtigeeda, waliba iyada oo laga eegayo in aan labada dhinac midna lagu xadgudbin ayaa loo gali doonaa hawshaas.

S: Waxa jira Xogo mihiim ah oo sheegay in Guddoomiyaha Xafiiska Maamulka Hawada ee Hargeysa laga furi doono laga soo magacaabi doono Muqdisho, Guddoomiye ku xigeenkana laga soo magacaadi doon Hargeysa, arintaasi maxaa ka jira?

J: Arintaasi ilaa heerkaa may gaadhin oo wali guddida labada dhinac islamay eegin, heshiiskan Stanbulna waxa saldhig u ahaa in hawadii la lahaa Muqdisho ayaa laga maamulayaa aanu diidnay oo aanu ka dagaalanay, waxaananu isla qaadanay inay Somaliland leedahay nidaam dawladeed iyo mid siyaasi ah iyo mid nabadgalyo ahba, taasina waxay ogolaatey in Mashruucaasi uu ka shaqaynkaro halkan, markaa mabda’a guud ee la isla qaatey waa taasi, laakiin arimaha hoose iyo farsamadaba waa mid wali dhiman oo aan la isla meeldhigin oo wali taagan oo guddida farsamo ay ka soo talo bixin doonaan wakhtigeeda.

S:  Halkeed Ka Taagan Tihiin Xukuumad Ahaan Go’aanka Uu Bangiga Ingiriiska Ah Ee Barclays Bank Uu Ku Xidhayo Akawnadii In Ka Badan 250 Xawaaladood Oo Soomaalidu Leedahay Ay Ku Lahaayeen Bangigaas Oo Hawaaladda Dahabshiil Ee Muwaadinka Reer Somaliland Leeyahay Ay Ku Jirto?

J: Mudo saddex todobaad ka hor ah waxaan warqad aan si adag uga hadlayo arintaasi u diray Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, fariintaasna waxaan u diray aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda Somaliland iyo ka shacbigeedaba, waxaanan si cad u qayaxay kaalinta mihiimka ah ee Xawaaladaha Soomaalidu ay ku leeyihiin dhaqaalaha dalka Somaliland, waxaanan sidoo kale tafaasiil kaga bixiyey warqadaas sidoo kale kaalinta dadka Soomaalida ah ee Mandaqada ku nool ay ku leeyihiin adeegyada ay bixiyaan Xawaaladahaas oo runtii ah mid aan la qarinkarin. Waxaananu xukuumad ahaan dawladda Britain ka codsanay inay aad uga fiirsato go’aanka uu qaatay Bangiga Barclays uu ku xidhayo Xisaabaadkii Xawaaladahaasi ku lahaayeen, waxaanan si cad ugu sheegnay inay arintaasi cawaaqib xumo ku keeno doonto nolasha iyo horumarka bulshadda Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida oo dhan. Waxaananu rajaynaynaa in codsigayagaas aanu u dirnay dawladda Ingiriisku ay tixgalin siin doonto maadaama oo aanu dawladda Britain uu naga dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer oo mihiim ah, markaa xukuumadda Somaliland go’aankeeda ku wajahan arintaasi waa in dawladda Ingiriiska iyo Bangigaas Barclays-ba ay ka fiirsadaan go’aankaas oo run ahaantii dhaawac u gaysanaya horumarka bulshada Somaliland iyo guud ahaan arimaha binu-aadamnimo ee Soomaalida Mandaqada oo dhan.




Leave a Reply