Golaha Wada-Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Ku Dhawaaqay In Ay Ka Tanaasuleen Magacii GOLE, Xukuumadana Cagta Sii Mariyay

Maanta oo ah maalin Isniin ah bishuna tahay 19 august 2013, waxa GOLAHA WADDATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKU ku dhawaaqayaan qodobadan soo socda:-

GOLAHA WADATASHIGA

Ugu horayn waxaynu dareensanay hadii aynu nahay ummada reer Somaliland in dawlada iyo xukumada madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay waxbadan isku mashquulisay sharcinimada erayga GOLE, oo ay in ka badan intii uu mudnaa eray soomaali ahi ay galiyeen, wakhti badan iyo tamar badanina ay ku luntay.

Sidaas oo ay tahay waxaanu u sheegaynaa ummada reer Soomaaliland in erayga GOLE yahay eray ka da’weyn dawladnimada, waana eray dhaqan oo magacyo badan lala isticmaalo. Tusaale ahaan : GOLE dhaqameed, GOLE culimo, GOLE ciyaareed I.W.M. waana eray caam ah oo hadba erayada ka danbeeya ayaa iftiimiya macnaha iyo ujeedada uu u taagan yahay.

Waxaynu dareensanahay in xukumadu inbadan ku celcelisay GOLE Distuuri ah , GOLE Distuuri ah ,waxaanu leenahay Golayaasha Distuuriga ahi waa kuwa distoorku jideeyay waxaana ka mid ah: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha Xukuumada, iyo Golayaasha Deegaanka.

Golayaashani waxay ku sifaysan yihiin golayaasha Distuuriga ah, waxaanay taasi tusaysaa inay ka duwan yihiin golayaasha kale ee dhaqameed ama bulsheed.

Hadaba anagu lamaanu bixin gole Distuuri ah ee waxaanu la baxnay gole wadatashi iyo toosineed , waana magac sheegaya in lawada tashado oo lays toosiyo, ujeedada aanu ula baxnayna waxay ahayd in laysku yimaado oo laga wada tashado danta dalka iyo ummada oo ah wax lawada leeyahay.

Sidaas oo ay tahay may haboonayn in eray wakhti badan lagu lumiyo, waxaanuna doonaynaa inaan wakhti danbe lagu lumin magac, balse laga wadatashado danta dalka iyo dadka .

Si aan halkaa uga gudubno waxaanu ka guurnay magacii hore waxaanuna u guurnay magacan kale ee ah “ MADDASHA WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA”.
golaha

Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranku waxay diyaar u tahay wadatashi iyo toosin si loo maareeyo xaalada dalka oo meelo badan ka cakiran, waxaanay diyaar u tahay inay la xaajooto cidkasta oo danaynaysa ka wadatashiga danta qaranka , ha noqoto goloyaasha guurtida iyo baarlamaanka, aqoonyahanka, waxgaradka iyo oday-dhaqameedka, haweenka iyo dhalinyarada iyo bulshada guud ahaanba.

Hadii hadaba ay xukumadu diido ama ka cago-jiido in lawada tashado oo laga tashado danta iyo jiritaanka dadka iyo dalka, wuu soconayaa wadatashigu xukumadana loo garba duubnaanmaayo.

Guntii iyo gabogabadii wadatashiga iyo toosintu waa wax bulshada reer soomaaliland ku soo caanomaashay waana wax distoorkeena iyo diinteena islaamkaba ku banaan.

Salaanmedia/Hargaysa