314 Arday Oo Ka Kala Yimi Gobolada Dalka Oo Maanta Muqdisho U Fadhiistay Imtixaan Deeq Waxbarasho Oo Laga Helay Wadamada Dibada

Aug 25, 2013 Muqdisho(SM) – 314 arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariistay imtixaan ku aadan deeq waxbarasho oo Dowladda Soomaaliya ay ka heshay dalalka Suudaan iyo Yemen. Ardayda u fadhiisatay imtixaankaas ayaa isugu jira kuwo ka socda Gobalada dalka Soomaaliya iyo Degmooyinka Gobalka Banaadir oo doonaya inay ku guuleestaan imtixaanka lagu helayo waxbarashada dalka dibadiisa ah.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Ismaaciil Yuusuf Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare iyo daraasaadka dibadda ee Wasaaradda adeega Bulshada qeybta waxbarashada oo ka hadlay ardayda maanta imtixaanka u fariistay ayaa sheegay in ardayda imtixaanka maanta u fadhiisatay ay heli doonaan mid waliba natiijadiisa. 70-kamid ah ardayda ayaa ah hablo halka 244 ay yihiin dhalinyaro rag ah kuwaasi oo dhamaantood ahaa kuwa u diyaargaroobeen gelida imtixaanka. Ardayda ayaa imtixaanka ku galay iskuulka Maxamuud Mire ee Magaalada Muqdisho,iyadoo ay soo bixi doonaan ardaydii ku guuleesta waxbarashada.

Agaasimaha tacliinta Sare ee Wasaarada adeega Bulshada ayaa balan qaaday in ardayda si wanaagsan loogu kala cadaalad qaadi doono

Salaanmedia/Muqdisho Office